Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska.

0
Sunday February 14, 2016 - 17:53:21 in Wararka by
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska.

    Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska Penny Mordaunt, Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, waxana ay ka wada hadleen h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska Penny Mordaunt, Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, waxana ay ka wada hadleen horumarka ay gaartay Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Ciidamadda .

Kulanka Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Ciidamadda ee Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ay dawladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in mar walba ay ka faaiideysato taageerada ay la garab taagan tahay boqortooyada Ingriisku. Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu tilmaamay in loo baahan yahay marka la tababaro Ciidamadda in loo helo qalab dhamaystiran oo ay ku howlgalaan.

"Waxaan isla soo qaadnay sidii Boqotooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa taageera dhanka Amniga,hormarinta siyaasada dawladda, iyo Dhagaalaha. Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay Mordaunt booqashada ay ku timid dalka Soomaaliya.

Waxaana Ra’iisal Wasaaraha oo weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga ay xuseen in dawladda Soomaaliya ay ku hanweyntahay in caalamku taageero qorshaha ku aadan Amniga iyo horumarka dalka ee dawladdu Soomaaliya wado. Waxana uu kulankii labada dhinac ku dhamaaday is-faham buuxa iyo ballan-qaadyo ku aadan wada shaqeynta labada wadaan ee UK iyo Soomaaliya.

DHAMMAAD

maakemaake1maake2

©2016 Office Of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip