Kheyre oo ku baaqay sii adkeynta Nabadgalyadda Gaalkacyo

0
Thursday July 11, 2019 - 22:17:07 in Wararka by
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kheyre oo ku baaqay sii adkeynta Nabadgalyadda Gaalkacyo

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo la qaatay qaybo kamid ah dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo la qaatay qaybo kamid ah dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo. Kulamada uu Ra'iisul Wasaaruhu la qaatay bulshada ayaa looga hadlay xoojinta nabad gelydada iyo isdhex galka Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyo ka shaqeynta guud ahaan horumarka deegaanka. Ra'iisul Wasaaraha oo dhammaan dhinacyada uu maanta kulanka kula qaatay Gaalkacyo ku bogaadiyay hannaanka wanaagsan ee xasilinta magaalada ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda Midnimada, wadajirka iyo adkeynta amaanka. Shalay ayaa Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabadda oo qayb ka ah mashuurca nabadaynta magaalada Gaalkacyo si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida deegaan, looguna gogol xaaro horumar ballaan oo ay ku tillaabsadaan bulshada deegaanka ku nool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip