Soomaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu nadiifinayo dekadda Kismaayo

0
Thursday July 11, 2019 - 18:50:23 in Wararka by
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu nadiifinayo dekadda Kismaayo

    Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Talyaaniga la saxiixatay heshiis dakadda magaalada Kismaayo looga nadiifinayo haraadiga markiib horay ugu burburta dakadda. Labada dal ayaa isla gaaray heshiis biyaha dakadda looga soo saarayo burburka qaar ka mid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Talyaaniga la saxiixatay heshiis dakadda magaalada Kismaayo looga nadiifinayo haraadiga markiib horay ugu burburta dakadda. Labada dal ayaa isla gaaray heshiis biyaha dakadda looga soo saarayo burburka qaar ka mid ah maraakiibtii hore ee Soomaaliya oo hataan caqabad ku haya shaqada dakadda. Heshiiskan oo ay fulineyso shirkadda Alfa ayaa looga gol leeyahay sare u qaadidda howlaha baaxadda leh ee ay qabato dekedda Kismaayo. Dhawaan ayaa la filayaa in ay billowdaan howlaha lagu nadiifinayo burburka dhex yaalla biyaha dakadda oo mararka keeni kara in ay ka dhashaan halis soo wajahda maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee halkaasi kusoo xirta. Hoggaamiyaha maamulka Jubbalaan Axmed Maxmed Islaam oo ay wehliyaan masuuliyiin Talyaani ah iyo sidoo kale saraakiil ka socday hay'adda cunnada adduunka ee WFP ayaa arbacadii booqday dekedda. Tan iyo sanadkii 2o12-ka xasilloonida iyo ammaanka ka hanaqaaday magaala xeebeedka Kismaayo ayaa sababay in ay sare u kacdo muhimadda dekadda Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya. Soomaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu nadiifinayo dekadda Kismaayo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip