Qaxooti Itoobiyaan ah oo dalkooda dib loogu celiyay
In ka badan boqol muwaadin oo Itoobiyaan ah oo ku go'doonsanaa dalka Yemen ayaa shalay oo Arbaco aheyd lagu guuleystay in dib loogu celiyo dalkoodii.
Sida ay sheegtay hay'adda socdaalka dunida ee IOM, diyaarad sidday 132 muwaadin Itoobiyaan ah ayaa ka degtay garoonka caalamiga ah ee Bole ee magaalada Addis Ababa.
IOM ayaa sanadihii la soo dhaafay qaxooti badan ka caawisay in ay dalkoodii dib ugu laabtaan.
Tahriibayaasha Afrika ayaa marin ka dhigta dalka Yemen si ay nolol tan Afrika dhaanta iyo shaqooyinba uga helaan dalalka Khaliijka oo uu Sucuudigu ugu horreeyo.
Tahriibayaasha ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan mukhalasiinta wax tahriibiya iyo danbiiliyaal kale waxaana mararka qaar dhacda in ay galaan xabsiyo aan sharci aheyn.
Dalka Yemen waxaa ka socda dagaal sokeeye tan sanadkii 2014-kii .
Dagaalka ka socda Yemen ayaa sababay dhimashada tobonnaan kun oo shacab wuxuuna sidoo kale dalka ku sababay in ay macluul darani ka dilaacdo.
Qaxooti Itoobiyaan ah oo dalkooda dib loogu celiyay
In ka badan boqol muwaadin oo Itoobiyaan ah oo ku go'doonsanaa dalka Yemen ayaa shalay oo Arbaco aheyd lagu guuleystay in dib loogu celiyo dalkoodii. Sida ay sheegtay hay'adda socdaalka dunida ee IOM, diyaarad sidday 132 muwaadin Itoobiy