SAWIRO:-Koox Burcad ah iyo hub oo Muqdisho lagu soo bandhigay

0
Thursday July 11, 2019 - 15:10:51 in Wararka by
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Koox Burcad ah iyo hub oo Muqdisho lagu soo bandhigay

    Maamulka Gobolka Banaadir aya Maanta Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenleey waxaa ay kusoo bandhigeen 6 ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Burcad iyo hub ay wateen,kuwaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in lagu soo qabtay howlgal laga same

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir aya Maanta Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenleey waxaa ay kusoo bandhigeen 6 ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen Burcad iyo hub ay wateen,kuwaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Magalada Muqdisho. Goobta lagu soo bandhigayay Burcad iyo hubka ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha G/Banaadir, Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya & Mas'uuliyiin kale,waxaana Maamulka gobolka Banadir uu hubka iyo Ragga burcada ahaa uu ku wareejiyay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu wado Olole xoogan oo ka dhan ah kooxaha Burcda oo mar walba dhaca u geysta shacabka Magalada Muqdisho. Sidoo kale gudodomiyaha Gobolka Banadir ayaa digniin u diray Ragga hubeysan ee dadka Shacabka ah xilliyada qaar dhaca u geysanaya,waxaana uu sheegay in Maamulka gobolka Banaadir iyo hay'adaha Amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan,isla markaana qofkii ka dama-yimaada ay u aqoonsan doonaan burcad-kalkaal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip