Xal laga gaaray 9-kii qof ee dhawaan lagu dilay Gaalkacyo

0
Thursday July 11, 2019 - 14:58:18 in Wararka by
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xal laga gaaray 9-kii qof ee dhawaan lagu dilay Gaalkacyo

    Guddigii maamulka Koonfur Galbeed uu dhawaan u magacaabay dabagalka falkii dilka ahaa ee 9 qof oo kasoo jeedda dulka uu ka maamulkaas loogu geystay magaalada Gaalkacyo oo safarro kusoo maray GalMudug iyo Buntilaan ayaa dib ugu laabtay Baydhabo. Gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddigii maamulka Koonfur Galbeed uu dhawaan u magacaabay dabagalka falkii dilka ahaa ee 9 qof oo kasoo jeedda dulka uu ka maamulkaas loogu geystay magaalada Gaalkacyo oo safarro kusoo maray GalMudug iyo Buntilaan ayaa dib ugu laabtay Baydhabo. Guddiga ayaa sheegay in markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo ay la kulmeen masuuliyiin heer gobol ah iyo odayaal dhaqameedka deegaannaadaas, kuwaas oo ay kala xaajoodeen mashaqdii dadka lagu laayay iyo xal ka gaaristeeda. Cabdullaahi Aadan Black afhayeenka guddiga oo warbaahinta Baydhabo maanta kula hadlay ayaa sheegay in guddigooda ay xal dhammaystiran ka gaareen falkii bishii tagtay ka dhacay Gaalkacyo. "Kulamadii aan la qaadannay reer GalMudug waxaan ku go'aaminnay in sida shareecada islaamku qabto la kala qaato mag , sidoo kalena dadkii falkaasi geystay waxay ka garaabeen khaladka ay galeen" ayuu yiri Cabdullaahi Aadan. Guddiga ayaa sheegay in ay u sii tallaabeen maamul goboleedka Buntilaan halkaas oo ay maamulkaasi kala hadleen sidii bulshooyinka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay halkaasi ugu noolaan lahaayeen si nabdoon. Socdaalka guddiga oo ahaa mid nabadeed ayay tilmaameen in maamulladii ay booqdeen ay isku afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan isu soo dhaweynta bulshada iyo nabad ku wada noolaanshaha. Bartamihii bishii June ayay ahayd markii rag dabley ah ay sagaal qof oo birimageydo ah ku laayeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Xal laga gaaray 9-kii qof ee dhawaan lagu dilay Gaalkacyo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip