Jabhadaha ka dagaalama Suuriya oo qaadacay xabad joojinta

0
Saturday February 13, 2016 - 10:43:32 in Wararka by
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadaha ka dagaalama Suuriya oo qaadacay xabad joojinta

    Jabdahaha ka dagaalamaya dalka Suuriya ayaa ku gacan seyray xabad joojin muddo todobaad ah oo wax looga qabto xaaladaha bani'aadanimo ee ka jirta magaalooyinka dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabdahaha ka dagaalamaya dalka Suuriya ayaa ku gacan seyray xabad joojin muddo todobaad ah oo wax looga qabto xaaladaha bani'aadanimo ee ka jirta magaalooyinka dalkaas.

Kooxaha Mucaaradka ayaa ku goodiyay inay dagaalka sii wadayaan, illaa ay xilka ka tuuraan Bashar Al-Asad.

Shirka ka socda magaalada Munich ee dalka Jarmalka ayaa maalintii shalay lagaga dhawaaqay xabad joojin muddo todobaad ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry iyo dhigiisa Ruushka ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay xabad joojinta.

Magaalada Xalab ayaa waxaa ka jira xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, halkaasoo la doonayo in mudada todobaadka ah ee ay xabad joojinta jirto inay gaarto kaalmada bani’aadanimada.

Ruushka ayaa ku taageeraya dowladda Bashar Al-Asad duqeymo cirka ah oo uu ku hayo mucaaradka iyo kooxaha kale ee Islaamiyiinta sida Daacish.

Suuriya ayaa shantii sano ee u dambeeyay waxaa ka dhacayay dagaalo sokeeye, kaasoo ay ku naf waayeen dad aad u fara badan, halka malaayiin kalena ku barakaceen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip