Guddoomiyaha G/banaadir "Amniga magaalada way soo hagaageysaa, waxyaabaha yarka ahna xal ayaan u heli doonaa"

0
Saturday February 13, 2016 - 10:20:38 in Wararka by
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha G/banaadir "Amniga magaalada way soo hagaageysaa, waxyaabaha yarka ahna xal ayaan u heli doonaa"

    Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu bilaabay qorshe wax looga qabanayo ammaanka isaga oo kaashanaya Hay'adaha nabedgalyada iyo dadka Shacabka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu bilaabay qorshe wax looga qabanayo ammaanka isaga oo kaashanaya Hay'adaha nabedgalyada iyo dadka Shacabka ah

Gudoomiyaha gobolka Mudane Yuusf Xuseen Jimcaale oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in uu soo hagaagayo ammaanka magaalada, waxaana uu xusay inay jiraan nidaam wax looga qabanay xagga amniga.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in markii hore uu jiray xeendaab u dhaxeeyay Maamulka iyo laamaha ammaanka balse waxa uu sheegay in hadda ay bilaabeen qorshe lagu xoojinayo wada shaqeynta ay la leeyihiin Hay’adaha Nabadgalyada, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana la joogteyn doono kulamada loo qabanayo maamulka gobolka, laamaha amniga iyo shacabka gobolka ku nool.

"Caasimadda horumar dhanka amniga ah ayay ku talaabsatay, inkasta oo ay jiraan mararka qaar falal lidi ku ah amniga, horey xeendaab ayaa jiray oo u dhexeeyay laamaha amniga, maamulka iyo shacabka, runtii waxaan bilawnay qorshe cusub oo dhanka amniga ah, waxaana aaminsanahay in xal loo heli doono in laga gudbo waxyaabaha yar yar ee dhanka amniga”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka.

Dhanka kale Maamulka gobolka Banaadir ayaa wado, mashaarciic horumarineed oo gacan ka geysanaya dib u dhiska Dalka, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah isku socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip