Ra'yi: KALSOONI DARADDA IYO SOOMAALIDA!!

0
Saturday February 13, 2016 - 10:11:56 in Maqaallo by
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'yi: KALSOONI DARADDA IYO SOOMAALIDA!!

    Baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in sedexdii qof ee soomaali ah ba uu mid ka mid ah qabo cudarada ku dhaca maskaxda sida(stress iyo depression), arintaasna waa ay ka dhex muuqataa marka aad u fiirsato hab dhaqanka bulshadda soomaalida gaar ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in sedexdii qof ee soomaali ah ba uu mid ka mid ah qabo cudarada ku dhaca maskaxda sida(stress iyo depression), arintaasna waa ay ka dhex muuqataa marka aad u fiirsato hab dhaqanka bulshadda soomaalida gaar ahaan qoysaska,waxaad ka dareemeysaa sida ay u dhaqmanyaan labada is qaba, balse dadka soomaalida arintaas kuma baraarugsana mana oga, xitaa ma aaminsana in stress iyo depression uu jiro.

Jirooyinka maskaxda ku dhaca waxaa keena kalsooni daro qofka ku dhacday, kalsooni daradda oo la sheegay in soomaalida badankood ay qabaan waxaa sababay dhacdooyin badan,oo qofka inta uu yar yahay uu la soo kulmay , balse waxaa ugu muhiimsan marka aan soomaalida ka hadleyno kuwaan soo socda:

1- qofka dadka soo koriyeen gaar ahaan waalidka oo dadka hortood ku canaanta ama ku garaaca,xitaa ha ahaato walaalahiisa iyo ehelkiisa hortooda ,arintaas oo aan ceeb ka ahayn bulshada soomaalida dhexdeeda in ilmaha yar yar marka ay qaldamaan sida xayawaanka oo kale loo garaaco, loona bahdilo waxaa ay sabab u noqotaa in marka uu weynaado ay ku dhacdo kalsooni darro.

2- dugsiyada iyo goobaha wax lagu barto oo ardayga lagu garaaco iyada oo ay daawanayaan ardayda kale,ama ay ka qayb qaadanayaan garaacistiisa si wadajir ah , ujeedka macalinka waa in uu wax baro ardayga balse garaacitaankaas ardayga lagu sameynaayo waxaa ay sabab u noqoneysaa marka uu weynaado in kalsooni darro ay ku dhacdo oo waxbarashadii lagula dadaalaayay uu ka tago ama uu heer ka gaari waayo.taas oo u sababta in uu shaqo waayo maadaama uusan waxba soo baranin.

3- dawladda oo aanan xil iska saareynin danaha dhalinyarada iyo mustaqbalka dalka oo dhan arintaasi waxaa ay sababtaa in kalsooni darro ay ku timaado dadka dhan gaar ahaan dhalinyarada maadaama aysan ujeedin mustaqbal wanaagsan,bulshaduna udub dhexaadkeeda waa dhalinyarada haddii ay kalsooni darro haysato shacabka dhan waa ay haysataa ,sababtoo ah wax soo saarki iyo horumarka dalka iyo dadka iyaga ayaa sameeyn kara.

Aqristow ogow ma sahlana in cudarada maskaxda iyada oo aan la daaweynin la iska noolaado sababtoo ah waxaa suurto gal ah in qofka uu soo gaaro dhibaato weyn isaga iyo dadka uu la noolyahay,iskuna badasha jiro kale oo halis badan. saas daraadeed aad ugu taxadara jiradda kalsooni darrada ah waxaana casharada soo socda idinkugu soo gudbin doonaa calaamadaha lagu garto qofka qaba kalsooni daradda iyo sida loo soo dhiso ruuxa kalsooni daradda qaba.

W/Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)


Kala xiriir email:deeq1982@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip