WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 13-KA FEBARAAYO 2016-KA

0
Saturday February 13, 2016 - 09:50:35 in Wararka by
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 13-KA FEBARAAYO 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGAALADA MUNICH KAGA QEYBGALAYA SHIRKA CAALAMIGA EE AMNIGA IYO KA HORTAGGA XASARADAHA DUNIDA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dege

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGAALADA MUNICH KAGA QEYBGALAYA SHIRKA CAALAMIGA EE AMNIGA IYO KA HORTAGGA XASARADAHA DUNIDA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Fed eraalka ee Jarmalka, isagoo ka qeybgalaya Shirka 52aad amniga ee Munich (Munich Security Conference).

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO SABTI 13-KA FEBARAAYO 2016-KA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGAALADA MUNICH KAGA QEYBGALAYA SHIRKA CAALAMIGA EE AMNIGA IYO KA HORTAGGA XASARADAHA DUNIDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Fed eraalka ee Jarmalka, isagoo ka qeybgalaya Shirka 52aad amniga ee Munich (Munich Security Conference).

Shirkan caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalaya ilaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda, iyo ilaa 70 wasiirro dibadeed iyo difaaca.

Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saarayo shirka sannadkan waxaa ka mid ah xasiloo nida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in inta shirkan uu socdo uu hadal ka jeediyo, isagoo ka warami doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika guud ahaan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Amniga S/Guuto Cabdir axmaan Sheekh Ciise iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxaa barbar socon doona kulamo gaar gaar ah oo ay yeelan doonan madaxda iyo wakiillada dalalka ka qeybgalaya, iyagoo ka wadaxaajoon doona xoojinta iskaashiga la xiriira yareynta iyo ka hortagga colaadaha.

MID KA MID AH ILAALADA XABSIGA DHEXE OO LOO RIXAY TUHUN LA XIRIIRARINAAYO AL SHABAABNNIMO 

Askari ka tirsan Ciidamada Asluubta, kana mid ah Ilaalada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo lo oga shakiyay AlShabaabnimo ayaa xabsiga la dhigay, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Asluubta.

Sida ay sheegayaan wararka Askarigan ayaa dhowr jeer amar la’aa ciidamada ka dhex ba xay, xilliyo u badnaa habeenkii, isagoo lahaa howl shaqo.

Afhayeenka Ciidamada Asluubta Macalin Xasan Cali ayaa sheegay in askariga la xiray, kadib markii dhowr habeen uu xilli dambe shaqada ka tagay, isla markaana marar badan ay taas dhac day.

"Askariga hada xabsiga ayuu ku jiraa, wuxuu u xiran yahay tuhun, baaritaan ayaa ku socda, dhowr jeer ayuu saddex saac habeenkii shaqada ka baxay amar la’aan”ayuu yiri Afhayeenka Ciid amada Asluubta oo la hadlay Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay in askariga kaliya u xiran yahay tuhun, balse waxaa uu meesha ka saaray warar soo baxayay oo sheegaya in askariga lagu qabtay bam.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ammaankiisa gacanta ku haya Ciidamada Asluubta, iyadoo xabsiga uu ku dhow yahay Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasoo amnigeeda aad loo ilaaliyo.

REIK MACHAR OO LOO MAGACAABAY MADAXWEYNE KUXIGEENKA KOOFURTA SUDAN

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa Madaxweyne kuxigeen u magacaabay ninkii uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay Reik Machar ee ahaa hogaamiyaha Mucaaradka.

Reik Machar ayaa xilka Madaxweyne kuxigeenka horay u hayay, ka hor inta uusan bilaaban dagaalka Koofurta Sudan dhamaadkii sanadkii 2013.

Mr Reik Machar ayaa soo dhoweeyay xilka mar kale loo magacaabay, kadib heshiiskii awood qeybsiga ahaa ee lakala saxiixday bishii Agosto ee sanadkii hore.

Tallaabadan ayaa muujineysa horumar laga gaaray dadaalka nabadeed ee loogu jiro in nab ad waarta laga gaaro dalkaas.

Dagaalka Koofurta Sudan ayaa barakiciyay illaa hal malyan iyo shan boqol oo kun oo ruux, waxaana ku bur buray hanti badan.

Khilaafka u dhaxeeyay Salva Kiir iyo Reik Machar oo ka soo jeeda labada qabiil ee ugu weyn dalkaas ayaa salka ku hayay sida loo qeybsanayo awooda dalkaas oo hodan ku ah Saliida.

Koofurta Sudan ayaa ka go’day Sudan inteeda kale, kadib muddo dheer oo ay wada dagaalamayeen.

MAXKAMAD MAREYKAN AH OO XAKUNTAY DHALINYARO SOOMAALI AH

Maxkamada Federaalka dalka Mareykanka ayaa danbi ku heshay wiil Soomaali Mareykan ah kadib marki uu qirtay inuu teegroo u fidiyey kooxda Daacish.

Cabdirasaq Warsame oo ah wiil Soomaali Mareykan ah kana soo jeeda magaaada Min neapolis ee gobola Minnesota ayaa loo qirtay danbi ah inuu dhalinyaro Soomaali ah oo iyana ka soo jeeda Minnesapolis uu ku dhiirigeliyey in ay u safraan dalka Syria.

Hooyada dhashay wiilkan oo lagu magacaabo Deeqa Xuseen oo saakay u hadashay idaacada VOA laanteeda Af Soomaaliga ayaa sheegtay in ay ka xuntahay waxa qabsaday wiilkeeda.

Waxa kale oo ay sheegtay in qirashada danbiga ay aheyd mid ah go,aan ku gaareen iyada iyo wiilkeeda.

‘’ Anaga ayaa go,aan ku gaarnay inuu runta ka sheego wuxuu sameeyey, marki aan ogaaday aad ayaan uga naxay mana rabin in arrintan ay igu dhacdo’’ ayey tiri hooyaadaan.

Ma ahan marki ugu horeysay oo ay Maxkamad Mareykan ah xakunto dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo heysto argagixisonimo, horraabti bishan ayey aheyd marki wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu taageeray Al Shabab lagu xakumay xabsi 10 sana ah.

QUWADAHA ADUUNKA OO KU DHAWAAQAY XABAD JOOJIN KA HERGASHA SUURIYA

Qaar ka mid ah dalalka ugu muruqa weyn aduunka ayaa isku raacay xabad joojin laga hirg eliyo dalka Suuriya kadib wadahadlo ay ku yeesheen Jarmalka.

Xabad joojinta oo lagu ballamay in ay ku bilaabato muddo todobaad ah ayaa waxaanan qeyb ka aheyn kooxaha jihaad doonka ah sida Daacish iyo kooxda kale ee Al Nusra.

Wasiiro ka kala socda ururka la maac baxay Kooxda Taageeradda Suuriya oo u badan kuwa dalalka reer Galbeedka, ayaa ku heshiiyey in la balaariyo lana dadajiyo gargaar bani,aadannimo oo loo fidinayo dadka ku go,doomay goobaha dagaaladu ay ka socdaan.

Heshiiskan ayaa imaanaya xilli ciidamada Dowlada Suuriya oo taageero ka helaya dayaa radaha dagaalka Ruushka ay kusii siqayaan gobolka sida daran loo baab,iyey ee Xaleb, halkaas oo ay wali ku noolyihiin kumanaan ruux oo rayid ah.

Gargaarka ban,daadannimo ee loo fidin doono dadka barakacayaasha ah ayaa lagu wadaa in uu bilowdo shalay oo Jimca ah.

Xaaladda Syria ayaa qasneyd tan iyo kacdoonki ka dhanka ahaa Bishar Al Asad ee sanadki 2011. Tan iyo markaas waxaa ku dhintay boqolaal kun oo ruux halka malaayiin kalana ay ku barakacday.

WASIIRU DOWLAHA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO NAIROBI KULA KULMAY WASIIRKA DALXIISKA KENYA..

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos) ayaa shalay magaalada Nairobi kulan ku la yeeshay wasiirka dalxiiska ee dowladda Kenya Najiib Balala iyo xoghayaha jogtada ah ee was aarada dalxiiska Kenya Faadumo Xirsi,iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalxiiska iyo duurjoogta ee labada wadan.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Soomaaliya ee wadankani Kenya ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dalxiisa iyo duurjoogta.

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee DFS mudane Maxamuud Cabdi Xasan oo kulanka kaddib la hadlay TVga qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka si gaar ah loogu gurfeeyay arrimaha dalxiiska iyo sidii dowlada Soomaaliya ay dhanka dalxiiska u ga faa’ideysan lahayd dowlada Kenya.

Wasiiru dowlaha warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa she egay in labada wasaaradood ay isku afgarteen in ay kala saxiixdaan heshiis is afgarad ah,iyagoo isweydaarsanay khuburo iyo tababarro dhanka dalxiiska iyo duurjoogta ah.Ugu dambeyn wasiiru dowlaha wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa sheegay in wasiirka dalxiiska ee Kenya uu ballan qaaday in dowladda Soomaaliya uu ka caawin doonaan caqabadaha ka haysto dhanka dalxiiska iyo duurjoogta.

HAY'ADDA CIA: KOOXDA ISLAAMIGA ISIS EE SIIRIYA KA DAGAALLANTA HUB KIIMIKO AH AYAY HAYSATAA

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Dalka Mareykanka ee CIAda, John Brennan ayaa Shalay sheegay in Kooxda Islaamiga ah ISIS ee Suuriya ka dagaalanta ay isticmaaleen Hubka Kiimi kada ah.

Brennan ayaa sheegay inay jiraan dhowr Xaaladood oo muujinaya in ISIS ay isticmaashay hu bka kiimikada ah, waxaana hadalkan uu ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka CBS ee faadhigiisu yahay dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Brennan ayaa wareysigiisa ku sheegay in kooxdan Jihaaddoonka ah ay awood u leedahay inay sameysato Hubka Kiimikada Dagaallada loo Adeegsado, kaasoo sida xun u wax yeelleeya bani'aadamka iyo deegaanka.

"Waxaa Suurogal ah in kooxda Daacish ay Hubka Kiimikada ah ee ay sameysato ay u iibgey so dalalka Reer Galbeedka,” ayuu hadalkiisa ku yiri Agaasimaaha CIAda Mareykanka, John Bre nnan. Isagoo ka digay qorshayaasha kooxda ISIS.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo horay ay waddamada quwadaha leh ee dunida ugu eedeeyeen Xukuumadda Bashar alAssad ee Dalka Suuriya in sannadkii 2013kii ay hubka Kiimikada ah u Adeegsadeen dagaalkii magaalada Dimishiiq ee Xarunta Suuriya.

Xukuumadda AlAssad ayaa iska fogeysay eedeyntaas, waxayna ku sheegeen in ay tahay qor she lagu doonayo in lagu burburiyo Xukuumadda Suuriya, inkastoo eedeyntaas aysan noqon mi sii socon.

Ugu dambeyn, Ururka Caalamka u qaablisan Mamnuucidda hubka Kiimikada ah ee OPCW ayaa horay uga digay dhinacyada ku hardamaya Suuriya inay u isticmaalaan dagaalladooda hub ka Kiimikada ah, taasoo hay’adu ay sheegtay inuu ka horimaanayo sharciyada u yaalla Dunida.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintan ku Saabsan in Kooxda ISIS ee Suuriya ay hub Kiimiko ah isticmaashay ee uu ka Dhawaajiyay Agaasimaha Guud ee CIAda Mareykanka, Waxaa isagoo dhameystiran laga sii dayn doonaa Telefishinka CBS Axadda soo socota.

GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO DIGNIIN U DIRAY DADKA XOOGGA KU HEYSTA GURYAHA AYSAN LAHAYN.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahne duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka had layey amaanka gobolka, dib udhiska wadooyinka,nadaafadda, iyo hormarro kale ayuu markale digniin udiray dad uu sheegay in ay suurta gal ay tahay in guryo ku yaala Muqdisho ay si xoog ah ku heystaan kuwaasoo uu ugu baaqay in ay iska warejiyaan hantida ay sida xoogga ku heystaan muddo uu ku sheegay 24 sano inka badan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in uu qaadi doono talaabooyin ku aadan sidii dadka hantidooda ay ka maqan tahay loogu soo celin lahaa.

Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka taagan muran la xirriira dhinaca guryaha ah inkastoo hadda maamulka gobolka Banaadir uu ku baaqay in dadka guryaha sida xooga ah ku heysta ay iska wareejiyan.

GANACSATADA MUQDISHO OO LA FARAY INAY BOORARKA GANACSIYADOODA KA BEDELAAN LUUQADA INGIRIISKA

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Ganacsatada ku leh meheradaha magaalada Muqdisho ku soo rogay amar ah inay beddelaan boorarka ay ku qoran yihiin Af Ingiriiska, si loo ilaaliyo Afka Soomaaliga, sida uu afhayeenka maamulku u sheegay Warbaahinta.

Goobaha ganacsi, iskuulada, xarumaha caafimaadka, Jaamacadaha iyo Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa boorarka u xiran ku qoran luuqada Ingiriiska, marka laga reebo goobo kooban oo ay ku qoran yihiin Af Soomaali ama luuqado kale sida Carabiga.

"Dadka leh ganacsiyada Muqdisho waxaa looga baahan yahay inay bedelaan boorarka lagu qoray Luuqadda Ingiriiska ee Ganacsiyadooda ku xiran. Amarkana waa mid lagu difaacayo Ho rumarinta Afka Soomaaliga,” ayuu yiri Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane Khamiistii daraad ahayd la hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo ka mid ah 17ka Degmo ee Muqdisho ay ka kooban tahay, Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay in ciddii fulinta wayda Amarkan ay mudan doonto ganaax ama xabsi.

"Dalkan waxaa iska leh Soomaali, waana in la ilaaliyo dhaqanka iyo luuqadeena, waana in luuqadda Ingiriiska ee ku qoran boorarka lagu bedelo Af Soomaaliga oo ah luuqaddeenna,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Afrax.

WASIIRKA WAXBARASHADA ”MUSUQ MAASUQ KAMA JIRO DEEQAHA WAXBARASHO”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ayaa ka hadashay eedeymaha loo jeedinayo Wasaaradda ee la xiriira in si aan cadaalad ahayn loo qeybiyo deeqaha Waxbarasho.

Waxay sidoo kale tilshalayy in ay ku dadaalaan mar walbo iney si siman u bixiyaan deeqaha waxbarasho isla markaana ay si cadaalad ah ugu qeybiyaan Ardayda Soomaaliyeed. Kha dra Bashiir wasiirka waxbarashada ayaa sidoo kale sheegtay in ay si siman ugu qeybiyaan Ardayda ku nool gobolka Banaadir iyo dhamaan gobolada dalka.

Waxay xustay in ay muhiim tahay in Wasaaradda lagu dhiira geliyo howsha adag oo ay heyso balse aan lagu eedayn sida ay tilshalayy waxyaabaha been abuurka ah.

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA”WAAN LA XISAABTAMI DOONAA SARKAAL KASTA OO KA TIRSAN CIIDANKA XOOOGGA”

Taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed Maxamed Aadan Axmed oo ka qeyb galay Kulan todobaadkiiba ay isugu yimaadaan taliyaasha ciidamada soomaaliya ayaa wuxuu darda aran ujeediyey ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan saraakiisha.

sidoo kale waxaa uu sheegay in aan la aqabaleynin sarkaal ay darajooyin garbaha u saran yihiin kaasi oo aan daacadnimo u gudann howlihiisa loo idmaday.

Wuxuu tilmaamay taliyaha in sarkaal kasta howshii loo idmaday in lagula xisaabtami doono natiijadii uu ka keeno uu qaadan doono.

Ciidamada ayaa waxa ay ku jiraan dadaalkii ugu xoogganaa oo ay dib ay uga soo celinayaan Alshabaab deegaanno ay maamulaan iyadoo inta badan hada Alshabaab laga saaray gobolada dalka waxaana ay ku harsanyihiin gobollo fara ku tiris ah iyadoona qaarkood degmooyin ay ka jogaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

XILDHIBAANO KASOO HORJEYSTAY MAAMUL LOOGU DHAWAAQAY..

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeystay go’ aankii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed uu maamul ugu magacaabay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Tiro xildhibaano oo shalay kulan ku yeeshtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa si cad ugu soo horjeystay maamulka loo dhisay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug iyagoo ku tilmaamay maamul aysan ku qanacsaneen dadka ku nool degmada Hobyo.

Xildhibaan C/wali rooraaye oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug oo kulan ka qeyb galay oo wareysi siiyay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheeg ay in maamul la aqoosan yahay aan halkaas laga sameeyay.

Hadalkaan kasoo yeeray xildhibaanadaan ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa ku soo beegmaya xili todobaadkii aynu soo dhaafnay degmada hobyo ee Gobolka Mudug loogu dhawaaqay maamul hoos yimaada Maamulka Galmudug.

WASAARADDA WARFAAFINTA OO KA HADASHAY IS QAB QABSIGA KA TAAGAN..

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo fulineysa Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee dhawaan la melmariyay, waxay gacanta ku heysaa hirgelinta Xeerka Sax aafadda iyo farintaanka qodobada sharciga Saxaafadda ee hortebinta leh sida qodobka 13aad, 14-aad, 16-aad, 18-aad, 26-aad iyo 35-aad oo tilmaamaya sidii bahda Warbaahinta ee hadda jir taa isu sharciyeyn lahayd.

Howlaha sharcigu na faray ee Wasaaraddu hadda gacanta ku hayso waxaa ka mid ah dhi smaha Guddiga saxaafadda Soomaaliyeed, diiwaangelinta iyo sharcisiinta dhamaan hay’adaha Warbaahinta iyo saxafiyiinta.

Sida uu dhigayo sharciga saxaafadda Soomaaliya wixii ka dambeeya 09 January 2016 oo ah markii uu sharcigu soo baxay, Warbaahin ama Wariye kata oo ka howlgala Jamhuuriyadda Soo maali waxaa ku waajibaya in uu iska diiwaangeliyo Wasaaradda Warfaafinta muddo 45 cisho gu dahood ah. Wasaaraddu waxay ku wargelineysaa bahda Warbaahinta ee ka howlgasha So omaaliya in laga soo bilaabo dhaqankii sharciga dhaqdhaqaaq cusub oo sharci ku dhisan ay sam eyn karto oo kaliya Warbaahin, Urur ama wariye is diiwaangeliyay oo leh awood sharci oo uu wax ku dhisto, cid ku doorto ama lagu doorto. Hadiise ciddii isku daydo in si fowdo ah u dhaqan to , iyadoo aan ka diiwaangashneyn Wasaaradda Warfaafinta waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

ARINTA URURKA NOSUJ: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay Ururka NOSUJ u aqoonsantahay urur saxaafadeed oo ka madax banaan Wasaaradda Warfaafinta iyo ha’adaha fulinta ee dalka, lehna dastuur iyo nidaam qoraya in saddexdii sannoba mar xubnaha ururka sio democtatic ah oo daah furan ah u doortaan hogaankooda. Nasiib darro xunbaha ururkaas oo qiyaastooda lagu sheegay in ka badan 500 oo wariye waxay ku wareereen oo ku waayeen xuquuqo badan oo ay heli lahaayeen muran iyo is qabqabsi u dhexeeya labada hogaan oo is ba rbaryaacaya, waxayna xaq dastuuri ah u leeyihiin inay helaan hogaan ay raali ka yihiin o u taa gan horumarintooda ee aan daneyste ahayn.

Wasaaradda Warfaafintu waxay caddeyneysaa in labada xubnood ee ku murmaya hogaanka NOSUJ mid waliba uu ka dhamaatay saddexdii sano ee la doortay oo aan midkoodna heysan sharciyadii mudeysnayd ee ururka. Waxaanu amaaneynaa daacadnimada Maxamed Ibraahim Pakistaan oo qirsan in xilligiisa uu dhamaaday maalin iyo habeenna codsanaya in shirweyne loo qabto sida uu dhaqsiyaha badan si ururka u doorto hogaanka cusub.

Haddaba si looga badbaadiyo in uu burburo ururkaas Qaran, Waxaanu xubnaha ka cods aneynaa inay magacowdaan guddi masuul ah oo aan labada murme midna u janjaadhin oo qaba nqaabinaya shirweyne Qaran oo xunbaha ururuka ku doortaan hogaankooda muddo labo bilood gudahood ah, sidoo kale dowladaha, ururrada iyo hay’adaha taageera horumarka Warbaahinta Soomaaliyeed ee wadaniga ah iyo ajnebiga ah waxaan codsanaynaa inay naga xigsadaan oo ku taageeraan xubnaha ururka sidii ay u qaban lahaayeen shirweynahaas. Wixii intaas ka hore eyana Wasaaraddu cidna uma aqoonsana in uu yahay hogaanka NOSUJ.

QUBURO MAREYKAN AH: QARAXII DAALLO AIRLINES WAXAA LAGU FULIYEY QALABKA RAAJADA

Baaritaanada ay sameeyeen quburada ka socaday mareykanka ee ka tirsan hayada dambi barista mareykanka ee FBI ayaa shaaciyey in waxyaabaha loo adeegsaday qaraxii diyaaradda daallo airlines ay ahaayeen qalabka Raajada oo lagu xiray computer laptob ah oo diyaarada lala raacay.

Baarayaasha oo u dhashay mareykanka ayaa shalay waxaa ay u warameen tvga laga leeya hay isla mareykanka ee CNN waxaana ay u sheegeen in waxyaabaha fududeeyey qaraxaasi ay ahaayeen adeegsiga qalabka ku xiran aalada raajada oo aan la arki Karin.

Waxaa kaloo baarayaashaan ay caddeeyeen in ay diyaarada burburi laheyd hadii ay gaari laheyd hawada sare kuna qaraxdo iyado oo joog sare ku duuleyso.

Labadii bishaan febraayo maalin taalado ah ayaa mid ka mid ah diyaaradaha daallo airlines waxaa uu isku dhex qarxiyey nin magaciisa ay dowlada ku sheegtay Abdullahi Abdisalam Borleh, oo ka mid ahaa rakaabka diyaarada waxaana dhintay qofka is qarxiyey oo diyaarada kasoo dhac ay halka ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale.

Dhawaan ayaa dowlada mareykanka ay u soo dirtay soomaaliya qubaro ka tirsan FBIada mar eykanka oo baaraya waxa sababay qaraxii daallo airlines waxaana quburadaasi ay sheegden in diyaaradaha laga leyaha midowga yurub ee yimaada bariga dhexe ay u digayaan maadaama sifudud loo qarxiyey diyaaradii daallo airlines.

DUNI LAGU CADAABANYAHAY!! (RA’YI)

Waxaa dadkaygii Soomaaliyeed ku batay dhibaatooyin nooc kasta leh oo aad wada garanaysaan, waxaana suuragal ah in dadka qaarkii ay ku mashquulaan yuu yahay iyagoo aan qiimayn waxa aan aaminsanahay ee islaanimada ama Soomaalinimada.

Waxaan filayaa in aan loo baahnayn in aan kusii fogaado sharaxaada oo aad wada garanay saan ama waad dareemaysaan waxa aan ka hadlayo.

Aan usoo noqdo dulucdee, waxaa muuqata in jahawareer lixaad leh iyo midnimo la’aan ay na gu habsatay oo aan ka doorbidnay dawladnimadii in aan la noolaano fawdo.

Waxaan noqonnay umad isu rogtay qabaa’il, jufooyin iyo jiifooyin is qanciyay iyagoon waxba isla hayn oo la daalaadhacaya nolosha isla markaana iyagu uun isu muuqada, una arka in duni , islaam iyo nolol kale aanay jirin ama aanayba ka warhayn.

Waxaan sheeganaynaa Islaam afka ah iyo magac Soomaaliyeed oo aan qabyaaladda ka doorannay.

Waxaan kala tabanaynaa wax aan jirin, waxaana ku sheekaysannaa wax aan sal iyo raad toona lahayn.

Waxaan isweydiiyaa waxa aan dunida u joogno maxay tahay haddii nolosha iyo qarannimada aanaan fahamsanayn oo dhimasho oo kaliya aan sugayno?

Waxaa muhiim ah in aad ogaato in waqtigu kooban yahay oo sanado kooban aad noola anayso sida kuwii kaa horeeyay ay u dhinteen ayaadna u dhimanaysaa.

Tolow miyaan ku soo khaldannay dunidan horay u socota mise suubiskeedii ayaan nahay?

Marka aan Soomaali iyo muuqaalkeeda dhibaataysan aan isku jimeeyo waxaa igu soo dhaca maad iska dhimatid laakiin marka aan caalam horumaray isku dhereriyo waxaan Alle ka baryay saa cimri dheer iyo cibaado suuban, dabcan lagama quusto rajjada Alle.

Haddii aan sidan ugu dhexdabaalanno danbiyada ugu waaweyn dunida oo aan caan ku nahay sida jahliga, qabyaaladda, sadbursiga, dilka, qarxinta, cadaalad xumada, boobka, musuq maasuqa , xagjirnimada, xaqiraada, tuhun iyo cuqdad aan meel fog jirin, maangaabnimada iyo…….

Ma isweydiisay in aakhrina aan meel xun ku soconno haddii dunida aan ku fashillanahay?

Sidani si ma ahan ee nolol iyo xal ma raadinaa mise waa nalagu sheekaystaa oo aduun iyo aakhiraba waa iska rafaadsanaanaa?

Waxaan u baahannahay isbadal, isbadalkana waan awoodnaa. Fikradihiina waa muhiim, waadna mahadsanidiin Soomaalaay.

WAXAA QORAY: RIDWAAN XAAJI C/WELI

 

URURKA SUXUFIYIINTA PUNTLAND EE MAP OO QAADACAY GO'AANKII NUSOJ EE MAXKAMADDA SARE

Ururka Suxufiyiinta Puntland [MAP] ayaa Shalay ka hadlay go'aankii Maxkamada Sare ee dalka ay kasoo saartay Hogaanka ururka NUSOJ, iyagoo ku tilmaamay go'aankaas mid hareermarsan Shuruucda Waddanka u yaalla.

Maxkamadda Sare ee Somalia ayaa Toddobaadkaan soo saartay go’aan ahaa inuu ka yahay Ururka NUSOJ Xoghaye Guud, Cumar Faaruuf, ayaa ururka MAP waxay ku Tilmaameen Go’aa nkaas mid la yaab leh, Isla markaana Xadgudub weyn ku ah Xorriyadda Saxaafadda Sooma aliya.

"Innagu MAP ahaan, waxaan caddeynaynaa inaanan marna la shaqeynayn Cumar Faaruuq. Innagu Xoghayaha Guud ee NUSOJ waxaan u Aqoonsannahay Maxamed Ibraahim, waana hoggaamiyaha sharciga ah ee ururka NUSOJ, isaga ayaana la shaqeyn doonnaa,” ayuu lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay MAP, kaasoo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Ururkan Faysal Khaliif.

Sidoo kale, Warsaxaafadeedka MAP ayaa lagu sheegay inay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Avv. Caydoid Cabdullaahi IlkaXanaf ugu yeerayaan in isagoo Tixgelinaya baaqa Suxufiyiinta Sooamaliyeed uu dib uga laabto Go’aankii uu soo saaray 10kii bishaan Feberaayo, 2016ka.

Faysal Khaliif, ayaa sidoo kale hoosta ka Xariiqay in Go’aanka Avv. Caydiid Ilkaxanaf uu xadg udub ku yahay Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana uu go’aanku abuurayo inay dhibaato cu sub soo dhexgasho Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

"Waxaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay Qabsadaan Shirkooda si ay u soo doortaan hogaankooda, waxaana ka digaynaa in doorashada lagu qabanayo Muqdisho wax far agelin ah lagu sameeyo,” ayuu yiri Faysal Kahliif.

Ururka MAP ayaa ammaanay kaalintii ay Suxufiyiinta Sooamaliyeed ka qaateen go’aanka Ma kxamadda Sare ee dalka iyo kulankii ay Muqdisho ku qabteen, si ay u muujiyaan isku duu bnimadooda ay uga soo horjeedaan go’aankaas.

Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Puntland, ayaa waxay Warsaxaafadeedkooda ku xuseen in ay Beesha Caalamka ku boorrinayaan eegaan go’aanka Maxkamadda sare ee dalka kasoo ba xay; kaasoo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Suxufiyiinta Soomaailyeed.

Ugu dambeyn, Ururka MAP ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay taageerayaan mas’uulka sharciga ah ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim, ayna Difaacayaan, iyagoo ku boorriyay Bakistaan in Halkaas uu kasii wado Howsha uu ku Difaacayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Go’aankii ka soo baxay Maxkamadda Sarena uusan waxba u dhimin howlihiisa shaqo.

XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN ABAAARO AY KU DHUFTEEN DEGAANO KA TIRSAN MAAMULADA SOMALILAND IYO PUNTLAND

Agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Qeyroow Aadan oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ku dhufteen Degaano hoosta Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Agaasime Maxamed Qeyroow Aadan ayaa xusay in Xoolo badan ay ku baaba’een abaaraha ku dhuftay Degaanadaasi, isagoona qeexay in loo baahan yahay in Soomaalida ay isku damqato islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gargaaro Dadka ay saameeyeen abaarahaasi.

Maxamed Qeyroow, Agaasimaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in laga cabsi qabo in abaarahaasi ay ku baahaan Degaano kale oo horleh oo ka tirsan Gobolada Dalka Soomaliya.

Xiliga Jilaalka ayaa inta badan waxey abaaro baahsan ku dhuftaan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya iyadoona xusid qoraal dhawaan ka soo baxay Qaramada Midoobay in lagu sheegay in Boqolaal Qoys ay wajahayaan Xaalado nolol xumo oo ay sababeen Abaaro ka jira qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya

LIONEL MESSI OO MARKII UGU HORAYSAY TAARIIQDA KU GUULAYSTAY ABAALMARIN UU MUDO SUGAYEY..

Weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa waxaa loo magacaabey in uu yahay xiddigii ugu wanaagsanaa horyaalka dalkaasi Spain bishii January, waana markii ugu horaysay taariiqdiisa kubadda cagta uu ku guulaysto abaalmarintaan.

Laacibka heerka caalami ee xulka Argentina Messi u tahay markii ugu horeysey ee uu ku gu ulaysto abaal marintaan u noqoneysaa tan iyo markii la soo bilaabay 3 sano ka hor, Messi aya ana gudoomay abaal marintaan. xiriirka kubadda cagta dalka Spain shalay oo Jimco ah

Lionel ayaa ka caawiyay kooxdiisa Barcelona inay gaarto guulo muhiim ah bishii dhamaatay ee janaayo, waxaana ugu muhiimsanaa guushii uu farta ka saaray kulankii Atletico Madrid. Wa xana uu saddexley ka dhaliyay kulankii Granada halka uu sidoo kale goolkii guusha udhaliyay kooxdiisa Barca kulankii Malaga ee Estadio La Rosaleda kaas oo ay Barcelona 2:1 u soo gaa dhay guul muhiim ahayd, waxa kale oo uu Messi shabaqa ka soo taabtay isla markaana uu Ba rca goolasha u daahfuray kulankii adkaa ee Atletico Madrid kulankaas oo ay kooxda Luis Enrique 2:1 guul ku gaadhay.Messi ayaa sidoo kale shabaqa ka soo taabtay kooxda Athletic Club.

Wiilka afarta sano ku guulaystay Abaal marinta laacibka duninada ayaa dib daraad ugu soo laabtay tababarka Barce ka dib markii uu maray qaliin fudud oo lugu sameeyey, waxana uu diyaar u yahay kulanka ugu soo horeeya.

KOOXAHA JUVENTUS IYO NAPOLI OO SOO SAARAY LIISASKA CIYAARTOYDA U DAGAALAMAYA HOGAANKA SERIE ADA

Kulanka xili ciyaareedkan ugu wayn horyaalka Talyaaniga ayaa sabtida Juventus Stadium ku dhexmari doona kooxaha xili ciyaareedkan u dagaalamaya koobka Serie Ada ee Scudettoda ee Juventus iyo Napoli. Napoli ayaa kooxda Allagri soo booqan doonta iyada oo qaab ciyaareed fiican ku jirta isla markaana hogaanka horyaalka ku haysa 56 dhibcood halka Juventus oo layaab dhigaysaa ay 14 kulan oo xidhiidh ah ay soo guulaysatay isla markaana ay kaalinta labaad ugu jirto 54 dhibcood.

Inkasta oo ay Juventus xili ciyaareedkan ku bilaabatay qaab ciyaareed aad u liitay isla mar kaana su’aal la galinayay in ay markale difaacan karto koobka horyaalka Talyaaniga ayay mar kale kooxda Old Lady muujisay waayo aragnimada iyo khibrada wayn ee ay sanadihii ugu dan be eyay u yeelatay in la difaacdo koobka Serie Ada iyada oo gadaal iska marisay kooxo badan oo markii hore ka sareeyay.Juventus Vs Napoli

Haddaba labada kooxood ee Juvnetus iyo Napoli ayaa magacaabay liiska kooxahooda ee kulankan muhiimka ah waxaana Napoli ganaax uga soo laabtay Jorginho kaas oo seegay kul ankii ay Napoli 10 guusha kaga gaadhay kooxda Carpi. Xidiga kaliya ee Napoli ka maqnaan doo na ayaa ah Alberto Grassi.NapoliSami Khedira ayaa ku jira liiska ciyaartoyda Juventus ee wajihi doona kulanka Napoli laakiin Allgri ayay kulankan ka maqnaan doonaan xidigaha kala ah Giorgio Chiellini, Mario Mandzukic, Martin Caceres, Mario Lemina iyo Kwadwo Asamoah.Massimiliano Allegri ayaa doonaya in ay kooxdiisu taariikh dhigto oo ay kulankii 15 aad ay guul xidhiidh ah ga adho taas oo ay haddii ay dhacdo markii ugu horaysay xili ciyaareedkan Juventus u gacan galin doonta hogaanka Serie Ada.Khedira

LIISKA CIYAARTOYDA JUVENTUS EE KULANKANAPOLI: Buffon, Khedira, Zaza, Marchisio, Morata, Pogba, Hernanes, Alex Sandro, Barzagli, Cuadrado, Bonucci, Padoin, Dybala, Rugani, Neto, Lichtsteiner, Sturaro, Evra, Rubinho, Pereyra, Favilli, Romagna

LIISKA CIYAARTOYDA NAPOLI EE KULANKA JUVENTUS: Reina, Gabriel, Rafael, Hysaj, Ma ggio, Strinic, Ghoulam, Albiol, Regini, Koulibaly, Chiriches, Allan, David Lopez, Chalobah, Jorg inho, Valdifiori, Hamsik, El Kaddouri, Callejon, Mertens, Insigne, Gabbiadini, Higuain

UNITED , BARCA . REAL IYO MUNICH OO ISKU HAYSTA RENATO SANCHES..

Renato Sanches Ku dhawaad sanad ayay kooxda United baacsaneysaa saxiixa da`yarka ko oxda Benfica ee Renato Sanches

Laba dalab oo 30 milyan oo euro ayay ka geeyaan balse waa lagu soo celiyay xilli Benfica u aragto mid yar

Haatan waxaa kula soo biiray xiisahaas Real , Munich iyo Barcelona kuwaasi oo doonaya in ay dalab ka geeyaan

MUXUU ZINEDINE ZIDANE KA YIDHI IN FINALKA COPA DEL REY LAGU QABTO SANTIAGO BERNABUE?

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kul anka Athletic Bilbao wax lagaga waydiiyay arinta dooda cusub dhalisay ee ah halka lagu qaban doono finalka Copa Del Rey oo dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Sevilla. Waxaana Zid ane la waydiiyay aragtidiisa in Bernabeu uu marti galin doono Copa Del Reyga iyo aragtisiisa ha ddii ay Barcelona markii labaad oo xidhiidh ah ay Bernabue ugu guulaysto Copa Del Rey.

Ugu horayn Zidane oo ka jawaaba aragtidiisa in finalka Copa del Rey lagu qabto Santiago Bernabue ayaa yidhi: "Tani waa arin kooxda u taala, anigu waxaan inka badan arintan xiisaynayaa waxa aanu samayn dono dhamaadka todobaadkan iyo kulanka usbuuc dhama adkan, wax kale ma jiraan, wadan kastaaba habkiisa ayuu leeyahay”.Zidane

Intaa kadib ayaa Zidane la waydiiyay aragtidiisa in Barcelona ay koobka Copa del Rey ugu guulaysto garoonka Bernabéu wuxuuna yidhi: "Alla maxay su’aal tahay!, anigu ma danaynayo, anigu waxaan daawan doonaa ciyaarta, sababtoo ah waxaan doonayaa in aan finalka daawado, sababtoo ah waxaan jecelahay kubbada cagta, cidii doontaa ha guulaysato, waan fiirin doonaa, wax kale idiinma sheegi karo”.

Zidane ayaa dhinaca kale sheegay in jamaahiirta Real Madrid ayna jeclayn in Barcelona ay finalka Copa Del Rey ku ciyaarto Bernabeu wuxuuna yidhi: "Kaliya waa mid dabiici ah in jamaa hiirta Real Madrid ayna doonayn in Barcelona ay halkan ku ciyaarto finalka, haddii aad jama ahiirta Barca waydiiso si la mid ah ayay kuugu jawaabayaan”.

KULAMADA HORYAALKA INGARIISKA EE MANTA LA CIYAARAYO

9:45 Sunderland ? ? Manchester United

6:00 AFC Bournemouth ? ? Stoke City

6:00 Crystal Palace ? ? Watford

6:00 Everton ? ? West Bromwich Albion

6:00 Norwich City ? ? West Ham United

6:00 Swansea City ? ? Southampton

8:30 Chelsea ? ? Newcastle Unit

KULAMADA HORYAALKA TALYAANIGA EE SHALAY MANTA LA CIYAARAYO

5:00 Empoli ? ? Frosinone

8:00 ChievoVerona ? ? Sassuolo

10:45 Juventus ? ? SSC Napoli

KULAMADA HORYAALKA SPIN EE MANTA LA CIYAARAYO

6:00 Real Madrid ? ? Athletic Bilbao

8:15 Villarreal ? ? Malaga

10:30 Valencia ? ? Espanyol

TACSI TIIRAANY LEH

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Wargeyskan MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER waxaay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Hibo Maxamed faarax iyo dhammaan ilmo Maxamed faarax iyo hooyadood xaawo iyagoo kaga tacsiyadeynaya Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuumad xaaji Maxamed faarax .

Maamulka iyo howladeennada Wargeyska Mogadishu Times waxey Alle ugu baryayaan Marxuunka Jannadiisa ka waraabiyo ehelka iyo Aaxsaabta ay uu ka Geeriyootayna Samir iyo Iimaan Saadaaq ah Alle ha ka Siiyo

Aamiin Aamiin. Aamiin

INNAAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip