Xoghayaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirweynaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka+Sawirro

0
Sunday July 07, 2019 - 06:28:15 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirweynaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka+Sawirro

    Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta Mudane Nur Maye Osman ayaa magaalada Gothenburg ee dalka Sweden kaga qeyb galay shirweynaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka oo labadii sanaba mar la qabto. Shirkan oo socday inti udhaxeysay 2 -5 J

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Gacanta Mudane Nur Maye Osman ayaa magaalada Gothenburg ee dalka Sweden kaga qeyb galay shirweynaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka oo labadii sanaba mar la qabto. Shirkan oo socday inti udhaxeysay 2 -5 July 2019 waxaa kasoo qeyb galay 154 dal oo caalamka, waxaana looga hadlay waxyaabihii u qabsoomay heer qaarad iyo heer caalami labadii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha ballaarinta ciyaarta kubadda Gacanta, waxaana shirka daah furay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka Dr Hassan Moustafa Xoghayaha Xiriirka Nur Maye ayaa kulamo gaar ah la qaatay Madaxda Xiriirada Wadamada Sacuudiga, kan Afrika iyo Jabuuti waxayna isla soo qaadeen in la badiyo xiriirka isgaarsiineed iyo mid maamul, waxay kaloo sacuudiga Soomaaliya u ballan qaaday uu dhanka tababarada ka taageero, sidoo Waxay dalka madaxda dalka Jabuuti isla garteen in labadada waddan abaabulaan cayaaro saaxiibtinimo, laguna qabto labada waddan. Halka guddoomiyaha xiriirka kubadda Gacanta qaaradda Afrika uu Soomaaliya ku ammaanay doorka Soomaaliya kaga jirto horumarinta Kubadda Gacanta waxuuna ku booriyay inay aan noqdaan wadanka ugu firfircoon Geeska Afrika si ay uga faa'iideystaan Fursadaha Afrika iyo caalamka ugu talogaleen. Inta uu shirka Socday waxaa Kubadda Gacanta qaaradda Afrika loo aqoonsaday qaaradda ugu horumarka wanaagsan ciyaarta kubadda Gacanta, waxaana Soomaaliya ay ku jirtaa Wadamada Horumarka ka sameynayay labadii sano ee lasoo dhaafay kadib markii ay kaalinta afaraad ka gashay Ciyaaraha da'da kayar 18 ee bariga iyo Bartamaha Afrika iyo Xulka da'da ka yar 20-ka sano oo kaalinta 5-ad ka galay ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay 11 dla ka qeybgaleen kaasoo 2018 ka dhacay dalka Yugaandha.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email:hadaafoow7@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip