Guddoomiye ku xigeenka Degmada Afgooye Yuusuf Maxamed Moordow, ayaa sheegay inay wadaan Baaritaan ku aadan sidii loo soo qaban lahaa ninka falkaasi dilka ah geystay.
Haweenayda la dilay ayaa magaceeda lagu soo koobay Farxiya, halka ninka dilka geystayna Magaciisa lagu soo koobay Siidii.
Ciidamada ammaanka Degmada Afgooye ayaa raadinaya ninkaasi oo la sheegay inuu ka baxay Magaalada, inkastoo ay Maamulka uu sheegayo inay suuragal tahay Xaafado ka mid ah Degmada Afgooye inuu ku dhuumaaleynsanaayo gacan ku dhiiglaha.
Haweenayda la dilay ayaa saaka lagu wadaa in lagu aaso Degmada Afgooye oo dilka uu xalay ka dhacay.
Wararkii ugu dambeeyay Haweenay Xalay lagu dilay Degmada Afgooye
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, xalay fiidkii ayaa Degmadaasi waxaa lagu dilay Gabar dhalinyaro aheyd, kadib markii ay murmeen ninka falka dilka ah u geystay.