Cabdi Xasan Biyo Quute, ayaa ku sheegay magaca Sarkaalka Shabaab ka tirsan ee ciidamada Dowladda ay dileen in la odhan jiray Maxamed Ina Daabyaanbo, kaasi oo madax ka ahaa aruurinta Zakawaadka Shabaabka ay ka qaadaan dadka jooga Gobolka Galgaduud.
Sarkaalkaan ayaa la sheegay in lagu Khaarijiyay dagaalkaasi oo ciidamada Dowladda ay dileen, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Galgaduud oo ku aadan inay dileen Sarkaalkaasi.
Dagaalka la sheegay in Sarkaalkan lagu dilay, ayaa shalay wuxuu ka dhacay Deegaanka Ceel-Qooxle oo ka mid ah Deeganada hoostagga Degmada Ceelbuur ee Gobolkaasi.
Shabaab ayaa weeraro qorsheysan waxa ay ku qaadaan deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku sugan yihiin.
xigasho:- dhacdo.com
Saraakiisha ciidamada Dowladda oo sheegay inay dileen Madaxii Zakawaadka Shabaab ee Galgaduud
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay inay dileen Madaxii Zakawaadka u qaabilsanaa Al Shabaab Gobolka Galgaduud, kadib markii ay wada dagaalameen ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaabka.