Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu soo kordhiyay eeyo baaraya Laptop-yada

0
Saturday February 13, 2016 - 09:26:33 in Wararka by
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu soo kordhiyay eeyo baaraya Laptop-yada

    Iyadoo 2-dii bishan qarax uu ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, taasoo la rumeysan yahay inuu ka dhashay Laptop ku jiray waxyaabaha qarxa oo uu qof ka mid ah rakaabka diyaarada watay, ayaa waxaa si xoogan loo adkeeyay ammaanka garoonka diya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo 2-dii bishan qarax uu ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, taasoo la rumeysan yahay inuu ka dhashay Laptop ku jiray waxyaabaha qarxa oo uu qof ka mid ah rakaabka diyaarada watay, ayaa waxaa si xoogan loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay adkeyneyso ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo dadka ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya loo baarayo si adag oo ka duwan qaababkii hore.

Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano RRT ayaa ka qeyb qaadanaya baaritaanada, iyagoo adeegsanaya eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa iyo hubka.


Eeyahan ayaa baaraya aalabaha dadka ay wataan, sida Laptop, boorsooyinka dharka iyo agabyada kale.

Sidoo kale marka uu qofka soo gudbo baaritaanka eeyaha ayaa waxaa uu hadana marayaa baaritaan kale oo ah mashiinka la maro, halkaasoo Laptop isagoo daaran la dhex marsiinayo.

Inkastoo aanay kala cadeyn in mashiinka lagu baaro dadka inuu ku guuldareystay iyo in kale Laptop-kii loo adeegsaday qaraxii diyaarada, ayaa hadana waxaa soo baxaya in inta badan Mashiinada yaalla garoomada ku yaalla Afrika aanay aheyn kuwo ogaan kara qaraxyada nooca TNT.

Ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano RRT oo adeegsanaya eeyo

Ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano RRT oo adeegsanaya eeyo

Hase ahaatee garoomada dalalka horumaray ayaa xilligan laga isticmaalaa Mashiino casri ah oo ah nooca multiview X-ray machines, kaasoo ogaan kara aalada TNT ee qaraxyada loo adeegsado, halka garoomada qaar ee Afrika ay yaallaan single-view X-ray machines, waxaana mashiinkan lagu tilmaamaa mid aan inta badan ogaan karin aalada qaraxyada TNT.

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabooyinkan cusub ee ay ku soo kordhisay ammaanka garoonka diyaaradaha ku dooneysa inay dib ugu soo celiso kalsoonidii ammaanka garoonka, si uu ula heer noqdo garoomada caalamiga oo kale.

Si kastaba ha ahaatee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa xilligan waxaa dadka lagu baarayaa dhowr meelood, waxaana si isku mid ah loo baaraya shacab iyo Mas’uul, sida Wasiirada, Xildhibaanada, saraakiisha ciidamada iyo xubnaha kale ee dowladda oo aan horay loo marsiin jiray baaritaan rasmi ah, ka hor dhacdadii diyaaraddii Daallo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip