Beelweynta Dhulbahante waxay taageersan tahay midnimada Gobolka Mudug

0
Sunday August 23, 2015 - 09:24:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beelweynta Dhulbahante waxay taageersan tahay midnimada Gobolka Mudug

    Bulsho weynta Soomaaliyeed waxaa haboon inay ogaato in beelihii sameystay Puntland ay ku kala tageen oo hada Puntland ay isugu soo ururtay Majeerteeniya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulsho weynta Soomaaliyeed waxaa haboon inay ogaato in beelihii sameystay Puntland ay ku kala tageen oo hada Puntland ay isugu soo ururtay Majeerteeniya,
waxaana waajib ah in shacabka Soomaaliyeed garto marka Puntland hadasho in macnaheedu yahay waxaa hadlay hal reer oo aanay jirin cid ku lamaan ama aan lagu soo dhuuman karin Harti iyo qabiil kale toona.

Waxaana lala socdaa in shirka wadatashiga ee uu Madaxweyne Gaas ku dhawaaqay ay Dhulbahante qaadaceen oo uu fashilmay maalin walbana magaalo loo rarayo, iyadoo lawada ogsoon yahay in aanu jirin Isim qura oo soo jireen ah sida Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maanta Puntland la socdaa.
 
Beelweynta Dhulbahante waxay taageersan tahay in Gobolka Mudug uu yahay mid oo aan la kala goynin, iyadoo cid qaar ah lagu xeerinayo, sidoo kale waxay soo dhoweynaysaa Maamulka loo sameynayo Gobolada mudug iyo Galgaduud oo buuxinaya labo shuruudaha dastuurka KMG Soomaaliya ee 2 gobol iyo wixii ka badan.
 
Waa arin xun in maamulada laysu raaciyo isir oo dad walaalo ah oo isku degaan ah labo maamul la kala raaciyo, weligeedna nabadgelyo ma ka dhalanayso hadii labada guri ee jaar ah oo Gaalkacayo ku wada yaal la yiraahdo midna Puntland buu ka tirsanyahay  midna Maamulka G. Dhexe.
 
Waxaa soo ifbaxaysa in Maamul goboleedyadu isu bedelayaan Warlord cusub oo ay doonayaan inay wiiqaan inay dib u samaysanto Soomaaliweyn awood leh oo la tartanta wadamada deriska inala ah, waxaana cad in laynuu keenay fekrad shisheeye oo loogu talogalay in awoodii Soomaaliya aanay weligeed soo laaban.
 
Waxaan aragnaa in maalin walba uu maamul goboleed qabiil salka ku hayaa uu ku hanjabayo inuu dawladii Somaliya xidhiidhka u jarayo, maha aha wax la qaadan karayo ee mid ay waajib noqotay in laga gilgisho, oo loogu talo galay in wadankeenii lagu burburiyo, waxayna qaranimadeena ku tahay isbaaro cusub.
 
Ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed waxaan ogaysiinaynaa in wixii magaca Puntland lagu xumeeyo aan dhulbahante qayb ka ahayn ee ay ku kooban tahay Majeerteeniya, dadka beesha ka soo jeeda ee telefishanada la soo taagaana ay yihiin dad shaqaale ah oo meeshii ay shaqo ka helaan ka shaqaysanaya.
Maxamed OW
mwfreepress@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip