Degmada Waaberi oo lagu qabtay xoojinta Isdhexgalka bulshada iyo ciidanka booliska

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:27:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Degmada Waaberi oo lagu qabtay xoojinta Isdhexgalka bulshada iyo ciidanka booliska

    Munaasabadaan oo ahayd isdhexgalka bulshada shacabka ku nool degmada Waaberi iyo ciidanka booliska ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha bulshada ee degmada, faniin iyo mart

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadaan oo ahayd isdhexgalka bulshada shacabka ku nool degmada Waaberi iyo ciidanka booliska ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, qeybaha bulshada ee degmada, faniin iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Waaberi.
Guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo Maxamuud Cali "Xaawa Kiin” oo munasabadda hadal kooban ka jeedisay ayaa sheegtay in ay tahay wax lagu farxo xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo ciidanka booliska oo ay ku tilmaamtay inay horseedeyso adkeynta Nabad gelyada.

"Maamulka wax khilaaf ah kama taagna, markasta oo ay wada shaqeynta hagaagto, waxaa hagaagaya wada shaqeynta ka dhexeysa booliska iyo shacabka intiisa kale, anagu waxaan tusale u nahay bulshada inteeda kale, booliskuna waa saaxiibka bulshada, haddi ay gaabato wada shaqeynta maamulka iyo booliska, waxaa meesha ka baxaysa wada shaqeynta shacabka iyo booliska, marka waxaan rabnaa in aan xoojinayo wada shaqeynta aan la leenahay booliska, hadii ay ahaan lahayd maamul iyo shacab intaba” ayay tiri Xaawo-kiin.


Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Shariif oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in haddii ciidanka booliska aysan wada shaqeyn ka helin shacabka iyo maamulka aysan kaligood wax qaban karin, isagoo ku booriyay inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka.

"Nabadda aan ku fiidsaneysaan caawa ee aan halkan u joogno, iskama imaanin, waxa ay ku timid ciidanka booliska iyo maamulka degmada oo isku xiran, ciidanka ma shaqeyn karo haddii aysan isku xirneyn maamulka degmada iyo shacabka, marka waxaan idinkula dar daarmayaa inaad xoojisaan wada shaqeynta aad la leedihiin ciidanka, maadaama labada dhinac ay yihiin dad la soo xulay” ayuu yiri Cali Maxamed.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna gudomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo gabo gabadii kulanka lagu xoojinayay isdhexgalka bulshada iyo ciidanka booliska ka hadlayay ayaa tilmaamay in gobolka iyo boolisku ay ka dhexeyso wada shaqeyn, shacabkuna looga fadhiyo in ay sii xoojiyaan wada shaqeyntaas.

"Gobolka iyo booliska waa hal, far waaye, way isku xiranyihiin, waa wada shaqeyaan, xoogga uu gobolka banaadir ama degmooyinka ku shaqeeyo waa booliska, booliska cidda ay u shaqeeyaan waa shacabka oo ay mas’uul ka yihiin maamulka Gobolka Banaadir, degmo waliba haddii ay sidaan u istaagto oo ay la shaqeyso booliska degmada, degmo kasta nabad ayay heli lahayd, dadka nabad diidka ah ee aan ogoleyn in aan sidaan oo kale u fiidsano, waxaa wax lagu qaban karaa in aan xoojino wada shaqeynta ciidanka booliska aan la leenahay” ayuu yiri Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxa ay faniintu waxa ay madasha ku soo bandhigeen suugana ka turjumeysa qiimaha ay nabaddu leedahay iyo xoojinta wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka booliska.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip