WARSAXAAFADEED KORITAANKA DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG IYO HORUMARKA LAGA SAMEEYAYBAAHINTA MAAMULKA IYO DIB U DHISKA KAABAYAASHA DHAQAALAHA

0
Saturday February 13, 2016 - 07:24:22 in Wararka by
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARSAXAAFADEED KORITAANKA DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG IYO HORUMARKA LAGA SAMEEYAYBAAHINTA MAAMULKA IYO DIB U DHISKA KAABAYAASHA DHAQAALAHA

    Dowlad Goboleedka Galmudug iyadoo ka ambaqaadaysa rabitaanka shacabkeeda ku nool degaanada GalMudug ayaa waxay meel mareisay mashaariic xagga baahinta maamulka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad Goboleedka Galmudug iyadoo ka ambaqaadaysa rabitaanka shacabkeeda ku nool degaanada GalMudug ayaa waxay meel mareisay mashaariic xagga baahinta maamulka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo wafdi ballaaran uu hoggaminayo oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo waxgarad ka kala socday qaybaha bulshada ayaa 5tii bishan Febraayo 2016ka, socdaal dhulka ah ku maray Cadaado ilaa Hobyo oo isu jira 300 Km si ay u kormeeraan warbixinna uga dhegaystaan degaanada u dhexeeya Cadaado ilaa Hobyo, taasina waxay ina tusaysaa amaanka lagu naaloon karo ee ka jira degaanada GalMudug, taas oo u suurtagelinaysa dowladda GalMudug in ay fuliso ballanqaadyadeeda.

Waxaa magaalada Hobyo la dhagaxdhigay deked casri ah 9kii bishan Febraayo 2016ka. Sidoo kale waxaa loo magacaabay si ku meel gaar ah Golaha Deegaanka Hobyo, kaas oo noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa ah tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991ki. Golahan cusub waxay shaqayn doonaan muddo saddex(3) bilood ah iyagoo xoogga saaraya howlaha amniga iyo gaarsiinta bulshada adeegyada muhiimka u ah, xilligaas ka dib dadka degaanka ayaa soo dooranaya Golahooda Deegaanka Degmada Hobyo.


31kii Janaayo, 2016ka, waxaa la dhamaystiray dhismaha Golaha Degaanka Gaalkacyo oo ka kooban 27 xubnooda, si ay u bedelaan golihii hore ee ku meelgaarka ahaa. 7dii bishan Febraayo, 2016ka ayay goluhu doorteen duqa magaalada Gaalkacyo, howlo kuwaas la mid ahna waxay ka socdaan degmooyinka Cabuudwaaq iyo Balanballe.

Sidoo kale degmada Cadaado waxaa lagu dhisay Rugta Ganacsiga GalMudug 3dii bishan Febraayo 2016ka, iyadoo lagu casuumay wakiilo ka socda shirkadaha, ganacsato ka socota dhamaan gobalada iyo degmooyinka GalMudug si ay goobjoog uga ahaadaan una ansixiyaan doorashada Madaxda Rugta Ganacsiga Galmudug, taas oo uu shirgudoominayay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha GalMudug.
Wax intaas bar-bar socday si joogta ah dadaalada Dowlad GalMudug ay maleeshiya beeleedyada ugu bedelayso ciidan awood u leh hanashada sugitaanka amaanka deegaanada GalMudug, waxayna diyaar u yihiin ka sifaynta cadawga nabaddiidka ah meelaha ay uga suganyihiin degaanada GalMudug.

DHAMAAD


1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip