Sida Ay Noqon Karto Shaxda Man United Xilli Ciyaareedka Danbe Haddii Aubameyang Oo Ku Soo Biiro Saxiixyada Cusub Wan-Bissaka Iyo James

0
Saturday June 29, 2019 - 14:54:14 in Wararka by
  • Visits: 951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida Ay Noqon Karto Shaxda Man United Xilli Ciyaareedka Danbe Haddii Aubameyang Oo Ku Soo Biiro Saxiixyada Cusub Wan-Bissaka Iyo James

    Isbedelkii uu doonayay tababare Ole Gunnar Solskjaer ee xagaagan ayaa howshiisa ay socotaa. Tababaraha Manchester United ayaa durbaba waxa uu la soo wareegay da' yarka xulka Wales Daniel James oo uu 15 milyan ginni uga soo iibsaday Sewwansea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedelkii uu doonayay tababare Ole Gunnar Solskjaer ee xagaagan ayaa howshiisa ay socotaa. Tababaraha Manchester United ayaa durbaba waxa uu la soo wareegay da' yarka xulka Wales Daniel James oo uu 15 milyan ginni uga soo iibsaday Sewwansea.

Waxaana ku soo biiri doona daafaca midig ee Crystal Palace Aaron Wan-Bissaka oo ku imaanaya heshiis 50 milyan ginni ah.

Solskjaer ayaa si weyn u doonayay inuu helo daafac midig xagaagan, isagoo u arkayay inay tahay halka ay sida weyn uga liidatay kooxdiisa xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Iyadoo haatan labo boos la buuxiyay ka hor xilli ciyaareedka cusub, Solskjaer ayaa weli ka shaqeynaya inuu dhiso koox u tartami karta afar boos ee sarre.

David de Gea ayay u badan tahay inuu sii joogi doono madaama Real Madrid iyo PSG ay soo gabagabeeyeen xiisihii ay u hayeen goolhayaha reer Spain.

Magac cusub kale oo ka soo muuqan kara daafaca kooxda waa xiddiga Leicester City Harry Maguire.

Red Devils ayaa muddo dheer xiiseyneysay xiddiga reer England iyagoo saxiixiisa seegay xilli ciyaareedkii hore.

Leicester City ayaa dooneysa inay ceshato xiddigaheeda laakiin madaama ay Man United ku hungowday saxiixii Matthijs de Ligt, waxay diyaar u yihiin inay xiisihiisa soo cusbooneysiiyaan.

Inkastoo Paul Pogba uu doonayo inuu baxo hadana United ma dooneyso inay lacag siisato xiddiga reer France sidaasi darteed waxa uu khadka dhexe ka garab ciyaari doonaa da’ yarka kooxda Hoffenheim Ilay Elmkies.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip