Taliyaha ciidamada NISA oo falal lama filaan ah ka sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
Friday February 12, 2016 - 00:10:59 in Wararka by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidamada NISA oo falal lama filaan ah ka sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

    Taliyaha ciidamada sirdoonka dowladda Soomaaliya Jan. C/raxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa maanta falal aan laga fileyn ka sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu dalka dib ugu soo laabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidamada sirdoonka dowladda Soomaaliya Jan. C/raxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa maanta falal aan laga fileyn ka sameeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu dalka dib ugu soo laabtay.

Taliye Tuuryare ayaa markii uu ka soo degay diyaaradii uu saarnaa waxa uu ku dhex milmay dadka shacabka ah, isagoona maray dhammaanba meelaha laga kontroolo dadka soo degaya, isla markaana dhex maray mashiinada wax lagu baaro.

Falalka ee lama filaanka ah oo uu sameeyay Taliya NISA waxaa ka mid ah inuu iska bixiyay kabaha, suunka iyo wax kasta oo shanqarta mishiinka tilmaamayo.

turyare

C/raxmaan Maxamed Tuuryare – Taliyaha ciidamada NISA

Tallaabadaan ayuu Taliye Tuuryare u sameeyay sidii madaxda Dowladda u ogolaan lahaayeen in iyana la baaro mar kasta oo ay dalka ka dhoofayaan iyo marka ay soo degayaanba, kaddib markii ay arrintaan ka biyo diideen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka.

Dhinaca kale xaaladda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa tartiib tartiib waxa uu ku soo noqonayaa xaaladiisii hore, inkasta oo weli ay ku sugan yihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa Sirdoonka Dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano NISA, iyadoo ay weli socdaan baaritaano la xariira weerarkii diyaaradda Daallo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip