Barta Bulshada Caalamku ku Xiriirto ee Twitter-ka oo laga fikirayo in is-bedelo lagu Sameeyo

0
Friday February 12, 2016 - 00:05:32 in Wararka by
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barta Bulshada Caalamku ku Xiriirto ee Twitter-ka oo laga fikirayo in is-bedelo lagu Sameeyo

    Barta Bulshadu ay ku xiriirto ee Twitter-ka ayaa la sheegtay inay ka fakareyso inay is-beddelo sameyso, si ay adeegsiga bartan uga dhigto mid fudud oo cid walba ay adeegsan karto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barta Bulshadu ay ku xiriirto ee Twitter-ka ayaa la sheegtay inay ka fakareyso inay is-beddelo sameyso, si ay adeegsiga bartan uga dhigto mid fudud oo cid walba ay adeegsan karto.
Arrintan ayaa imaanaysa, kaddib markii Warbixintii ugu dambeysay ee la soo saaray ee ku Saabsanayd Wax-qabadka Barta Twitter-ka ay Muujisay in aysan wax koritaan ah sameyn, isla markaana ay lumisay 90 milyan oo dollar.

Inkastoo, Twitter ay tahay Bar caan ah, haddana waxay tartan adagl kala kulmeysaa Baraha horay u jiray sida; Facebook-ga iyo kuwa cusub sida Snapchat iyo Instagram.

Dadka Twitter istcimaala ayaa aad uga ashtakooda in isticmaalkeeda uu yahay mid ka adag kuwa kale, ayada oo dadka ku xanibtay adeegsiga wax aan ka badneyn 140 xaraf.

Dadka isticmaala Twitter ayaa sanadkii tagay hoos ugu dhacay 305 milyan, marka loo eego tirada sanaddii 2014 oo ahayd 307 milyan.

Twitter intii ay jirtay weligeed ma sameyn wax faa’ido lacag ah, hase yeeshee khasaaraha sanadkii tagay oo ahaa 90 milyan oo dollar, ayaa ka yar khasaarihii sannadkii 2014-kii oo ahaa 125 milyan oo dollar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip