Tarsan "Askariga Somaliga Shabaab hadii uu lacag siiyo daacadbuu u noqonayaa"

0
Thursday February 11, 2016 - 23:50:04 in Wararka by
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tarsan "Askariga Somaliga Shabaab hadii uu lacag siiyo daacadbuu u noqonayaa"

    Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa ku dhaliilay Dowladda Federalka Somaliya inaysan daboolin baahida ciidamada ay u qabaan helida Mushaar ku filan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa ku dhaliilay Dowladda Federalka Somaliya inaysan daboolin baahida ciidamada ay u qabaan helida Mushaar ku filan.

Tarsan wuxuu sheegay Askariga Somaliga ah hadii bil waliba oo helo lacag dhan $300 oo si wadaninimo leh u sugi karo ammaanka dalka, balse xilligan oo Askarta aysan helin Mushaar ayan ka shaqeyn Karin ammaanka.

Waxa uu isweydiiyay Tarsan, sababta Dowladda ay ugu awoodi la’dahay inay si joogto ah u bixiso Mushaaraadka ciidanka, loona kordhiyo Lacagta ciidanka hada ay qaataan oo bil ay helaan bilna ay waayaan.

"Dowladda waa ay awoodaa 20-kun ayaa noo qoran bay dhahdaa 20 kun oo min saddex Boqol la siinaayo hada Boqolkii ayeey siin la’dahay oo UNDP bay ka timaada la dhaho 20-kun oo midka ugu yar saddex Boqol la siinaayo, Askariga manta 300 joogto ah la siinaayo oo lacag kala duwan oo laga qaaday umadda Somaliyed ayaa waxa ay noqonaysaa lix milyan iyo Shan boqol oo kun Bishii, Dowladda ma waxa ay weyday lix milyan inay meel u dhigto oo amnigeeda ay ku iibsato, Dowladda ma waxa ay weyday Xaakimtaa Laaluushka qaadanaya inay 150-kun meel u dhigto oo Cadaalada ay ku iibsato.”

Isaga oo hadlaka siiwata Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir wuxuu cadeeyay Askariga ciidanka Dowladda ka tirsan ee Reerkiisa gaajeysan yihiin inuusan ammaan ka shaqeyn Karin, daacadna uu u noqon karo qof waliba oo lacag siiya, xitaa hadii Shabaab ay lacag ka helaan.

"Lacagta Dowladda wadanka ay ka aruurinayso waa la siin karaa kan ugu yar 300 aya la siin karaa, lacagtaan Fasaadka lagu haayo ee Khasnadaha ka buuxa hala siiyo Askarta, Askariga Somaliga Xaalada uu ku sugan yahay amni ma hanan karo nin baahan ilmihiisa baahan yihiin oo 5 bilood aanan Mushaar qaadan daacad ma noqon karo, wuxuu daacad u noqon karaa ninkii lacag siiyaa, Shabaab hadii uu lacag siiyo daacadbuu u noqonayaa, 5 bilood lacag ma qaato, Askariga Somaliga ah ee xaalada noocaasi ah ku sugan amni ma hanan karo.”

Ciidamada Dowladda oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, ayaa waxaa taasi u sii dheer beegsiga ay ku hayaan Shabaabka oo dilal qorsheysan ciidanka la eegta.

XIGASHO;-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip