Mashruuc Araga loogu fiiqayo boqolaal Ruux oo ka socda Isbitaalka Indhaha Al-Nuur (SAWIRRO)

0
Thursday February 11, 2016 - 23:46:20 in Wararka by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuc Araga loogu fiiqayo boqolaal Ruux oo ka socda Isbitaalka Indhaha Al-Nuur (SAWIRRO)

    Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo isugu jira, baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo boqolaal qof oo dan-yar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo isugu jira, baaritaanno, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo boqolaal qof oo dan-yar ah.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


Shir jaraa’id oo maanta lagu qabtay xarunta Isbitaalka Al-Nuur ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka kala socotay golayaasha xukuumada & baarlaamanka Somalia, wakaaladda Muslimiinta Afrika, hay’adda Al-Basar iyo Isbitaalka Indhaha Al-Nuur.

Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo shirkaas jaraa’id ka Hadlay ayaa sheegay in Dadka ka faa’iideystay Mashruucaan Sama-falka ah ay ka kala yimaadeen xeryaha barakacayaasha aysana jirin wax lacag ah oo laga qaadayn.

"Sida aad arkeysaan, waxaa Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ka socda hawlo isugu jira daweyn, baaritaan iyo indho fiiqis samafal ah oo soo socday ilaa bishii hore, maalintii labaadna lagu guda jiro howshii qalliinka,” ayuu yiri agaasimaha.

Dr. Dalmar ayaa Sheegtay inay Hir-gelinta Mashruucaan Sama-falka ah iska kaashadeen hay’adda Al-Basar oo ay ka socdaan dhakhaatiir Ajaanib ah iyo Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, waxaana Maal-geliyay Wakaalada Muslimiinta Afrika (African Muslim Agency).

"Mashruucaan, waxaa ka faa’iideystay 4,856 oo qof oo xeryaha Barakacayaasha Muqdisho aan ku booqanay bishii hore ee Jannaayo, Waxaana loo sameeyay Baaritaan iyo Daweyn bilaash ah, iyadoo qalliin dhinaca Indhaha uu u soo baxay 500-qof, kuwaasoo qayb ka mid ah loo sameeyay Qalliimo, qaybaha kalena maalmaha soo socda indhaha loo fiiqi doono, Waxaana Sanadkaan inoo qorsheysan inaan qaliinno indho-fiiqis ah u sameyno illaa shan kun oo qof,” ayuu Dr. Dalmar hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Dr. Dalmar ayaa xusay in mashruucaan Samafalka ah ay soo wadeen muddo 11-sannadood ah, isagoo xusay in todobaadka soo socda isaga iyo koox la socota ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay u gaarsiiyaan mashruucan samafalka ah, isagoo u mahad-celiyay dhamaan hay’adaha ka qayb-qaadanaya mashruucaan, shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur iyo intii kale ee gacanta ka geysatay fududeynta howshan samafalka ah.

Mr. Fakhruddin Dakhan oo ah Madaxa Mashaariicda ee Hay'adda Al-Basar International Foundation oo fadhigeedu yahay Sacuudiga oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu badan caalamka ee indha la’aantu ay ka jirto sidaas awgeedna ay u doorteen iney ka qeyb qaataan fulinta mashaariicda noocan ah ee laga sameynayo.

Dr. Cali-Nuur Maxamed Faarax oo ka socday hay'adda Africa Muslims Agency oo isna hadlay ayaa sheegay in mashruucaan uusan ahayn kii ugu horreeyey ee ay Wakaaladdu ka qayb-qaadato, wuxuuna xusay iney sii wadi doonaan ka qeyb qaadashada mashaariicda bulshada danyarta ah wax loogu qabanayo.

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Wasaaradda caafimaadka Somalia,Dr C/risaaq Yuusuf Axmedahna agaasimaha Waaxda daawaynta ayaa ku bogaadiyey isbitaalka Al-Nuur iyo heyadaha la shaqeynaya mashruucan qiimaha badan ee ay indhaha loogu fiiqayo danyarta wuxuuna xusay in wasaaradu ay garan taagan tahay.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qayb-galka xaflada oo uu xusay inay tahay mid qiimo leh oo loogu adeegayo dadka danta yar, isagoo yiri. "Waxaan ku boorinayaa Isbitaalka Al-Nuur iyo sidoo kale hay’adaha gacanta ka geystay in mashruucaan la gaarsiiyo Dadka dan-yarta ah ee ku dhaqan Gobollada dalka, Awooddana aan u laheyn inay Muqdisho soo gaaraan.”

Qaar ka mid ah barakacayaasha & dan-yarta sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruuca samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyay daweyn iyo qaliino ay indhahoodu doonayeen, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad celiyey maamulka isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan.

Ugu dambeyn, Mashquul fara badan ayaa maalmahan ka jiray Isbitaalka Indhaha Al-Nuur, iyadoo ay soo buuxiyeen Dad u badan kuwo Waayeel ah, oo isugu jiray Rag iyo Haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, waxaana shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen hawlo ay ku bax-naaninayaan bukaannada Indhaha loo qalo iyo kuwa loo diyaarinayo.

XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip