Istiraatiijiyadda Sanadkan uu Ku Howlgalayo Gobalka Banaadir Iyo Dowladda Hoose Ee Xamar+Sawirro

0
Thursday February 11, 2016 - 23:19:03 in Wararka by
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Istiraatiijiyadda Sanadkan uu Ku Howlgalayo Gobalka Banaadir Iyo Dowladda Hoose Ee Xamar+Sawirro

    istaraatiijiyada lagu hagi doono Dowlada Hoose ee Xamar iyo Gobalka Banaadir sanadka 2016 ayaa lagu soo bandhigay Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar, waxaana ka qeyb galay Munaasabadda lagu soo bandhigaaye Xilibaano iyo Masuuliyin katirsan Dowlada Soomal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

istaraatiijiyada lagu hagi doono Dowlada Hoose ee Xamar iyo Gobalka Banaadir sanadka 2016 ayaa lagu soo bandhigay Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar, waxaana ka qeyb galay Munaasabadda lagu soo bandhigaaye Xilibaano iyo Masuuliyin katirsan Dowlada Soomaliya,saraakisha Ciidamada qalabka Sida,Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Fanaanin iyo Marti sharaf kale.

Halka ay munaasabadda ka socotay waxaa lagu soo bandhigay muuqallo iyo sawira ka turjumayo hab raaca istaraatiijiyada 2016, kaas oo loogu tala galay in lagu hormariyo Maamulka iyo dib usoo kabashada Caasimada Dalka, waxaana ku bixi doona qarash gaaraya $26.9.50000 (Lix Iyo Labaatan Milyan Sagaal Boqol iyo Kontan Kun oo Doolar).

Ka Qeyb galayaasha munaasabada ayaa aad u ammaanay doorka maamulka gobalka Banaadir uu ku doonayo in uu kusoo celiyo heybadi lagu yaqiinay Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale waxa uu sheegay in waqtigan loo baahan yahay taageerid dhab ah oo dhanwalba ah si loo gaaro halka la hiigsanaayo.

"Bacaad ayuu ku damay Gaariga waan lagama maarmaan in laga bixiyo Si looga bixiyana waa in shacabka Soomaaliyeed ay bixiyaan lacgta jeebabkooda ku jirta lagana Maarmaamo gacan hoorsiga Dibadda maantana la bilaabayo dhagaxdhigga Dhismaha Laamiyada Isku Xira Siyadka iyo Suuqa Bakaaraha Iyo Soobe Illaa Madiina si loo Daboolo Baahida Bulshada”

Guddoomiyaha Oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Yir "Bixi Labaatan Kun Oo Shalin Soomaali Ama Hal Doolar si aan waddooyinkeena u dhisano Gacmana Wadajir Bey Wax ku Gooyaan Ee Aan Iskaashanno”

Xilibaan Ibraahim Saalax Deeful lah oo katirsan Barlamaanka Soomaliya ayaa dhankiisa ku baaqay in laga qeyb qaato waxkasta oo lagu hormarinayo Caasimada

Istaraatiijiyadan uu soo bandhigay maamulka gobalka Banaadir ayaa noqoneysa tii ugu horreysay Ee uu diyaariyo Gobalka Banaadir Taas oo wax badan ka badali doonta Hormarinta Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho

00

02

03

04

05

07

11

22




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip