Wasiirka Arimaha Dibada oo sheegay Xeebaha Somaliya inay ka socdaan Dhac iyo Boob cad

0
Thursday February 11, 2016 - 22:49:45 in Wararka by
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada oo sheegay Xeebaha Somaliya inay ka socdaan Dhac iyo Boob cad

    Markii ugu horeysay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/Salaan Cumar Hadliye, ayaa waxa uu si cad u sheegay in Xeebaha dalka Somaliya ay ka socdaan dhac iyo Boob cad oo ay wadaan Maraakiib Shisheeye oo ka yimaada dalal kala duwan oo caalamka ka tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horeysay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/Salaan Cumar Hadliye, ayaa waxa uu si cad u sheegay in Xeebaha dalka Somaliya ay ka socdaan dhac iyo Boob cad oo ay wadaan Maraakiib Shisheeye oo ka yimaada dalal kala duwan oo caalamka ka tirsan.

Wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho ayuu Wasiir Hadliye, waxa uu ku cadeeyay in Boobka ka socda Xeebaha dalka Somaliya ay tahay mid cad oo aanan daah saarneyn.

Wasiir Hadliye, wuxuu sheegay caalamka intiisa kale inay indhaha ka daboosheen dhaca iyo Boobka lagu haayo Kheyraadka kala duwan ee ka buuxa Xeebaha dalka Somaliya.

"Waa tamar darro, talo darro, taag darro iyo innaga oo ilaahay Towfiiqda inaga qaaday intaas oo dhan markii aad isku geyso qof walbo wuxuu rabo ayuu meesha ka qaadanayaa waa lagu dhacayaa, waa lagu boobayaa, waxa ka socda xeebaha Soomaaliduna waxaa weeye dhac iyo boob cad oo aduunka intiisa kale indhaha ka haysto, inaan innagu soo dhacsanno weeyaan, cid kuu soo dhicineysa ma jirto, hadii ninka Kalluumeysiga ee ka yimaada Yurub, Chine, Japan, Iran meesha uu rabo haka yimaadee ama Shirkad hebel hadii uu sameynayo 10, 20, ama 100 Milyan muxuu macruuf kugu sameynayaa, annagu waa in aan joojinno, hadii aynu Soomaali nahay waxaa nalaga doonayaa inay soo noqoto su’aasha ah sideen wax u qabsannaa, sideen xeebteenna u ilaalsannaa, sideen xoolaheena u dhaqannaa, caruurteenna u korinnaa, tacliin u sameysannaa, sideen u rabnaa inaan aduunkaan uga mid noqonno, cid noo sameyneysa ma jirto.” Ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Wasiir Hadliye, ayaa isaga oo sii waramaya waxa uu sheegay in caalamka Somaliya wixii ay u qaban kareen ay u qabteen, inta dhimana loo baahan yahay in Somaliya ay qabsato.

"Adduunka intuu uu inoo sameyn karayey waa uu inoo sameeyay, qaarna waxba kuuma sameynayaan oo wey ku dhibayaan, waxa weeye innagu maxaan qabsan karnaa, maxaan sameysan karnaa, u noolaan karnaa, sideen caruurteenna u korsannaa, dadkeena masaakiinta ee Kalluumeysanaya waxay u baahan yihiin Tamar, taageero, waxay u baahan yihiin in loo qeyliyo oo loo hiiliyo, innaguna inaan isku hiilinno weeye” ayuu yiri wasiir Hadliye.

C/salaam Cumar Hadliye, wuxuu tilmaamay Arimahan uu ka hadlay in Wasaaradiisa aysan waxba ka qaban Karin, balse loo baahan yahay cida ay Khuseyso inay wax ka qabato.

"Wax aan Wasaaraddeyda arrinkaasi aan soo sheegay kaga aadaneyn ma jiro, waa inaan adduunka u shaacinno waxa aan anigu kuu sheegayo oo aan niraahno wadankeenna waa la dhacaa oo hala joojiyo, laakiin waxbaan kuu sheegayaa, wasaaraddeyda, wasaaradaha kale iyo kuwa amniga waxaa loo baahan yahay inaan wada fariisanno oo wax wada qabsanno oo dhahno innagu maxaan qabsan karnaa”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip