Xildhibaan Dhalxa: "Waa Runtaa Iyaad Calaawi waa nin Shiico ah balse Dalka ku yimid Magaca Dowladda Ciraaq"
"Marka ugu Horeysa Go’aan Baarlamaan ku ma imaan ee waxaa uu ku yimid Ogolaansho Dhinaca Xukuumada sidaa Darteed Iyad Calaawi waa nin Ciraaqi ah isla markaana Magac Dowladnimo Dalka ku yimid sidaa ayuu Baarlamaanka Federaalka uu ku soo dhaweeyey waxaana la socdey nin Dhigeyga ah oo Baarlamaanka Xilka aan ka hayo isna ka hayo Baarlamaanka Ciraaq ” waxaaa uu sii raaciyey
" Dowladda Ciraaq waa Suni iyo Shiico sido kale Dowaldaha Carbeed ayaa iyana sidaa ah Sucuuduga waxaa degen Suni iyo Shiico, Yaman waxaa degen Suni iyo Shiico , Baxreyn sidoo kale waa shiico iyo Sunni iyo Wadamo badan oo sidaa ah marka Iyaad Calaawi waa nin Ciraaqi wuxuuna la mid yahay Wadamada faraha badan ee Maalin waliba Imaanaya Dalka "
"Qadiyada Suni iyo Shiico iyo dagaalka laga dhex abuurey Wadamada Carbeed iy kuwa Islaamka waxaa lagu hilaamey Qadiydo fara badan waxaana arrintaas ka dambeeyey Israaiil oo waliged ku hamineysey sidii ay isaga horkeeni lahayd Wadamada Carabta iyo islaamka oo aad maanta indhihiina ku aragtaan waxaka dhacaya” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dhallxa
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Xildhibaan Dhalxa: "Waa Runtaa Iyaad Calaawi waa nin Shiico ah balse Dalka ku yimid Magaca Dowladda Ciraaq"
Iyadoo maalintii Doraad ahayd uu dalka yimid Madaxweyne Ku xigeenkii Hore ee Dalka Ciraaq Iyad Calaawi kaasoo kulamo goon gooni ah la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xubnaha Baarlamaanka sidoo kalena waxaa uu