Shirka Meel Marinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha…

0
Monday June 17, 2019 - 23:06:30 in Wararka by
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Meel Marinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha…

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka. Ra'iisul Wasaaraha oo howl wadeennada wasaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka. Ra'iisul Wasaaraha oo howl wadeennada wasaaradda xannaanada xoolaha uga mahad-celiyay dadaalka ay geliyeen sameynta istaraatiijiyadda ayaa sheegay in horumarinta iyo xanaanaynta xoolaha ay qayb muhiim ah ka yihiin hagaajinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta saboolnimada.

Istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo ay diyaarisay wasaaradda xannaanada xoolaha oo la tashiyada la sameysay wasaaraha dowlad gobaleedyada ee xannaanada xoolaha ayaa waxa ay saldhig u noqoneysaa hannaanka horumarinta xoolaha dalka oo qayb ka ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Shirka lagu meel marinayo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo soconaya mudda sedax maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galaya wasiirrada xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip