Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Caawa Kismaayo loogu geystay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansanaa deegaanada Jubbaland
Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dil Caawa ka dhacay Kismaayo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo Caawa lagu dilay Magaalada Kismaayo.