Nabadoon Caawa lagu dilay Magalada Kismaayo

0
Monday June 17, 2019 - 22:33:25 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabadoon Caawa lagu dilay Magalada Kismaayo

    Wararka naga soo gaaraya Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbbafa Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa. Rag la sheegay inay bustoolado ku hubeysnaayeen ayaa Nabadoon Magaciisa lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbbafa Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa. Rag la sheegay inay bustoolado ku hubeysnaayeen ayaa Nabadoon Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Ibraahim Jeeri waxa ay ku dileen xaafada Shaqaalaha oo ka tirsan Magalada Kismaayo,xilli uu kasoo baxay Salaadii Maqrib.

Dad ku sugan Kismaayo ayaa waxaa ay sheegeen in Nabadoonka uu ka mid ahaa dadka doonaya isbedelka hoggaanka Jubbaland,isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Jubbaland ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay,hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip