Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey G/ Jubbada Dhexe

0
Monday June 17, 2019 - 20:10:46 in Wararka by
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey G/ Jubbada Dhexe

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqyamood shalay ka gaysteen nawaaxiga magaalada Jlib ee Gobolka Jubba Dhexe, kuwaas oo ay ku dileen laba ka tirsna maleeshiyada Al-Shabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqyamood shalay ka gaysteen nawaaxiga magaalada Jlib ee Gobolka Jubba Dhexe, kuwaas oo ay ku dileen laba ka tirsna maleeshiyada Al-Shabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeynmo dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 16- Bishaan Junne ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen nawaaxiga Magalada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab.

Milataraiga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayntaasi ay ku dileen lab Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana ku sugnaa goobaha la duqeeyay.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,waxaana duqeyntii ugu dambeysay uu dhawaan ka fuliyay deegaano u dhow deegaanka tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip