Dadka lagu arkay Cudurka Ebola dalka Kenya oo kordhay

0
Monday June 17, 2019 - 19:40:08 in Wararka by
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka lagu arkay Cudurka Ebola dalka Kenya oo kordhay

    Ilaa sadex ruux ayaa si gooni loogu karantiilay kadib markii dadkaasi looga shakiyay inay la xanuunsan yihiin caalaamadaha cudurka waayadaan dambe ku baayay Qaarada Africa ee Ebolo, waxaana Sadexdaan qof lagu hayaa Isbitaalka magaalo madaxda Ismaamul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa sadex ruux ayaa si gooni loogu karantiilay kadib markii dadkaasi looga shakiyay inay la xanuunsan yihiin caalaamadaha cudurka waayadaan dambe ku baayay Qaarada Africa ee Ebolo, waxaana Sadexdaan qof lagu hayaa Isbitaalka magaalo madaxda Ismaamulka Kericho ee Kericho. Sayga qofka dumarka ah ee lagu arkay calaamadaha cudurka iyo labo qof oo kale ayaa habeenkii Axadda la gaarsiiyay Isbitaalka.

Dr Shadrack Mutai, oo ah madaxa qeybta caafimaadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen tilaabooyin ay uga hortagi karaan calaamado loo malaynayo inay yihiin kuwa cudurka Ebola.

Deegaanada laga soo sheegayo in lagu arkay cudurka Ebole ee Kenya ayaa xaduud dhow la leh dalka Uganda oo maalmihii la soo dhaafay dhowr qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Ebola, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada cudurkaasi uu sababay ay sii kororto dalka Uganda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa khuburo dhanka caafimaadka ah u dirtay Ismaamulka Kericho ee dalka Kenya si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyaan sadexda ruux ee sida ee looga shakisan yahay inay qabaan calaamadaha cudurka.

Sidoo kale qeybta Adeega baaritaanka Dawooyinka ee Dowladda Kenya oo iyaguna tibaajabo ka qaaday dhiggaga dadkaan ayaa la filayaa in jawaabtooda ay soo saaraan saacadaha soo socda.

Maalintii Axadda ayay ahayd markii Isbitaalka Siloam loola cararay qof Haweeneey ah oo ka soo safarta magaalada Malaba ee Ismaamulka Busia ee dhanka Bari ee xuduuda Kenya iyo Uganda taasoo markii dambe loo soo wareejiyay Isbitaalka magaalada Kericho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip