Dhageyso:-Kulamo lagu xalinayo xiisada Baladweyne oo bilaawday

0
Monday June 17, 2019 - 11:32:05 in Wararka by
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Kulamo lagu xalinayo xiisada Baladweyne oo bilaawday

    Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka bilaawday kulamo lagu xalinaayo khilaafkii iyo xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) balse uu diiday xilka qaadistaas. Wasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka bilaawday kulamo lagu xalinaayo khilaafkii iyo xiisadii ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) balse uu diiday xilka qaadistaas. Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo shalay gaaray Baladweyne iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa bilaabay kulamo lagu xalinayo xiisada ka taagan Bladweyne,waxaana ay la kulmeen Madaxweyne Waare iyo Yuusuf Axm,ed hagar (Dabageed).

Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo Xildhibaan Ismaaciil Nuur ayaa siwadajir ah waxa ay u sheegeen inay ka qeyb qaadanayaan xalinta xiisada ka taagan Baladweyne.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay wadaan xalinta dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne ee sababay in uu geeriyoodo taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane.

Hoos K Dhageyso Codadka Mas’uuliyiinta wda xalinta xiisada.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip