Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa deganeyd maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Magaalada ku sugan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dowladda jabuuti ee ka howlgalla gobolka Hiiraan.
Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada ayaa sheegay in ay doonayaan in ay waan waan ku dhameeyaan Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Waare ayaa 13 Bishaan dibadbaxayaal careysan iyo Ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed u diideen in gudaha uu u gala Magaaladda Baladweyne, waxaana uu wali ku sugan yahay Xeradda Ciidanka AMISOM.
Xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii Dabageed oo aan wali xal laga gaarin
Waxaa wali xal buuxa laga gaarin Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweyne Waare uu ku sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Magaalada Beledweyne ayaa wali waxaa ka socda kulamo kala duwan oo u dhaxeeya qaar ka mi