SAWIRO:-Wasiiro iyo Xildhibaano Baladweyne u tagay xalinta xiisada

0
Sunday June 16, 2019 - 15:24:34 in Wararka by
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Wasiiro iyo Xildhibaano Baladweyne u tagay xalinta xiisada

    Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta tegay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle, si ay uga mid noqdaan mas'uuliyinta Baladweyne u tegay inay xaliyaan khilaafka Madaxweyne Waare iyo guddoomiyihii Gobolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta tegay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle, si ay uga mid noqdaan mas'uuliyinta Baladweyne u tegay inay xaliyaan khilaafka Madaxweyne Waare iyo guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusub Dabageed. Wafdigaan oo ka ambabaxay Magalada jowhar ayaa ku biiray wadahadallo ka socday Magalada Bladweyne oo uu hormuud ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble,kuwaas oo xal loogu raadinayay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magalkada Baladweyne.

Xubnahaan ayaa waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Xaalada Maglada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay aheyd mid degan, kadib rabshdo iyo xiisad ka taagneyd waayadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip