QM Oo Ka Digtay Inay Laysimada Shidaalka Ee DFS Iyo Dowlad-Gobaleedyadda Bixiyaan Horseedi Karto Colaad

0
Sunday June 16, 2019 - 15:08:11 in Wararka by
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM Oo Ka Digtay Inay Laysimada Shidaalka Ee DFS Iyo Dowlad-Gobaleedyadda Bixiyaan Horseedi Karto Colaad

    Guddiga QM ee kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia waxay Warbixin qarsoodi ah ku sheegeen inay sahminta Reer Galbeedka ee Shidaalka Somalia laga yaabo inay horseedaan Colaado. Warbixintii Guddiga Kormeerka QM ee Sannadlaha ee ugu damba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga QM ee kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia waxay Warbixin qarsoodi ah ku sheegeen inay sahminta Reer Galbeedka ee Shidaalka Somalia laga yaabo inay horseedaan Colaado. Warbixintii Guddiga Kormeerka QM ee Sannadlaha ee ugu dambaysay waxaa lagu muujiyey inay jiraan sahmin laga wado deegaano lagu murunsan yahay oo ka tirsan dalka Somalia, iyadoo Laysimada ay Maamulayaasha bixiyaan ay colaad ka abuuri karto dalka Somalia, waa sida uu Wargeysku soo xigtay.

Warbixinta Baarayaasha QM ee cunaqabataynta hubka ee saaran Somalia uu gudbiyeen Guddiga Golaha Ammaanka ee QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eritrea,waxay Khubarada ku sheegeen in Dastuurka sOmalia uu awood u siinayo Dowlad-gobaleedyadda siinayo qeyb weyn oo ay Heshiis Ganacsi Shidaal ku geli karaan, balse, Sharciga shidaalka ee ay Barlamaanka Federalka oggolaadeen uu dhigayo inay Dowladda Dhexe awood u leedahay qeybinta Kheyraadka Dabiiciga.

Wakaalladda Wararka REUTERS oo aragtay Waebixinta sannadlaha ayaa sheegtay in Khubarada Guddiga QM ee Kormeerka cunaqataynta hubka saaran Somalia ka digeen haddii aan la xalinin khilaafkaasi inay taasi horseedi karto Colaad siyaasadeed oo dhex marta DFS iyo Dowlad-gobaleedyadda,taasina ay khatar ugu jirto inay sii xumayso Kala-qeybsanaanta Qabiilka iyo inay cabsi geliso Ammaanka iyo Nabadda, waa sida laga soo xigta warbixintaas.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Dowladii Keligii Taliyihii Somalia sannadkii 1991-kii, Somalia waxay madaxa la gashay colaado socday 20-sanno.

Tobaneeyo Shirkado Shidaal oo ay ku jiraan kuwo Caalami oo waa weyn ayaa la siiyey Fasaxa sahminta Shidaalka iyo Gaaska ka hor sannadkii 1991-kii, laakiinse, tan iyo xilligaas, Maamulladda Puntland iyo Somaliland waxay Laysamo u khaas ah ka bixiyeen isla Xirmooyin isku mid ah.

Kiisaska qaarkooda, Somaliland iyo Puntland waxay laysimo ka bixiyeen Xirmooyin isku dhafan oo aan kala qeybsanayn.

Khubarada waxay sheegeen in hal kiis ay ku lug leeyihiin Shirkadda Shidaalka dalka Norway eeDNO OILiyo Shirkadda ka diiwaan gashan dalka Kanada eeAfrica Oil CorportaioneeAOI.V

 

Warbixinta Khubarada QM ee Kormeerka Cunaqabataynta Hubak ee saaran Somalia waxay kaloo ku xuseen in Hawlgalladda Sahminta ee Xirmooyinkaasi ee ay Shirkadaha Shidaalka ee DNO iyo Africa Oil ku lug leeeyihiin waxaa ammaankooda suga Ciiddamada Ammaanka ee Goballadda oo Isbahaysi la ah Maleeshioyo ama Ciiddam Khaas ah, taasina laga yaabo inay colaad cusub ka dhex abuuro Puntland iyo Somaliland.

 

Bajorn Daleoo ah Ku-simaha Guddoomiyaha Shirkadda DNO, ahna Agaasimaha Mamaulka iyo La-taliyaha Guud waxa uu sheegay inuusan la qabin Khubarada Warbixintoosa, balse aysan Shirkadda marnaba qaadi doonin Dhaqdhaqaaq khatarta ku ah Ammaanka Somaliland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip