Guddoomiye Najax oo ku dhawaaqay howlgal wado furis ah

0
Sunday June 16, 2019 - 14:47:06 in Wararka by
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Najax oo ku dhawaaqay howlgal wado furis ah

    Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas'uuliyiin uu hoggaaminayo,ayaa waxay Saacadihihii lasoo dhaafay kormeer shaqo ku kala bixiyeen degaanka Shalaanbood iyo Tuulooyinka ku xeeran. Guddoomiye Najax, ayaa wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas'uuliyiin uu hoggaaminayo,ayaa waxay Saacadihihii lasoo dhaafay kormeer shaqo ku kala bixiyeen degaanka Shalaanbood iyo Tuulooyinka ku xeeran. Guddoomiye Najax, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka,Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey. Mudane; Najax, oo la hadlayay warbaahinta Dowladda yaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen , mas’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay kala hadleen sidii si wada jir ah laysaga kaashan lahaa nabad gelyada, loona abuuri lahaa jewi iskaashi oo dhex mara Shacabka iyo Ciidamada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Bulshada iyo Ciidanka oo wada jira ay ku boorriyeen in ay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa Waddada isku xirta Marka iyo Qoryooleey, si halkaasi looga saaro Al-Shabaab.

"Amni iyo maamulba waxaan ku ballannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka Gobolka Shabeellada hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, mudane, Ibraahim Aaden Cali, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo ka bogsooshada colaaddii sokeeye ee Gobolka ragaadisay.

Wuxuu intaa raaciyay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Cuqaasha, Haweenka, Dhallinyarada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta Beelaha halkaasi wada dega.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii loo furi lahaa Waddooyinka Gobolka ee ay Al-Shabaab go’doomiyeen iyo soo celinta adeegyadii Bulshada.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi heerkan oo kale ah uu kormeero shaqo ku tago degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoo





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip