Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo lagu arkay Agagaarka Sarkuusta

0
Sunday June 16, 2019 - 14:34:17 in Wararka by
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydka Wiil Dhalinyaro ah oo lagu arkay Agagaarka Sarkuusta

    Dadka ku nool Xaafada Sarkuusta oo u dhow Ex-Koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay arkeen Meydka Wiil dhalinyaro ah oo six un loo jirdilay inta aan la dilin ka hor,isla markaana la soo dhigay meel ka mid ah xaafadaas. Wiilka y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku nool Xaafada Sarkuusta oo u dhow Ex-Koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ay arkeen Meydka Wiil dhalinyaro ah oo six un loo jirdilay inta aan la dilin ka hor,isla markaana la soo dhigay meel ka mid ah xaafadaas. Wiilka yar ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in qoorta uu xarig ugu xirnaa,sidoo kale wajiga looga xiray cimaamad,isla markaana uu ahaa meyd waqti kooban yaallay Goobta.

"Saakay markii aan soo kacnay ayaan aragnay Meydka Wiil yar oo qoorta xariga uga xiran yahay cimaamadna wajiga looga xiray,dhib kale kuma arag mana naqaano cida dishay oo meesha soo dhigtay ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada sarkuusta oo goobta tegay.

Ilaa iyo hadda weli lama oga cida dishay Wiilkaasi yar ee meesha soo dhigtay,waxaana aad uga naxay dadka ku nool Xaafada Sarkuusta,waxaana wararku sheegayaan in loo soo qaaday dhinaca hay’adda Dambi barista ee CID-da.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay meydka Wiilka yar ee saakay la soo dhigay Xaafada Sarkuusta ee Magalada Muqdisho.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip