Sawirro:-RW Kheyre Balan Qaad U Sameeyay Ciidankii Ka Hor Tegay Qaraxii Muqdisho
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo Al-shabaab ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisho.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan Al-shabaab, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.
Sawirro:-RW Kheyre Balan Qaad U Sameeyay Ciidankii Ka Hor Tegay Qaraxii Muqdisho
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo Al-shabaab ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisho. Ra'iis