Howlgallo Culus oo ka socda Caawa Gaalkacyo

0
Saturday June 15, 2019 - 22:12:17 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo Culus oo ka socda Caawa Gaalkacyo

    Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ka socdaan x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo qeybta Galmudug.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan qaar ka mid ah Kooxdii Shacabka xalay ku xasuuqday Koonfur Magaalada Gaalkacyo.

13 ruux oo xalay Koox hubeysan ay ku dishay Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kasoo jeeday degaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka careysnaa Sarkaal ka tirsan NISA oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip