Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay dadkii lagu dilay Gaalkacyo

0
Saturday June 15, 2019 - 20:32:26 in Wararka by
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay dadkii lagu dilay Gaalkacyo

    Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falka Magaalada Gaalkacyo loogu dilay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay falka Magaalada Gaalkacyo loogu dilay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isagoo cambaareeyay falkaasi kuna tilmaamay mid argagax ah oo laga naxo.

"Anigoo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda Hirshabeelle Waxaan cambaareynayaa falkani lagu laayay dadkaasi masaakiinta ah, Dadka Soomaaliyeed waa walaal, xidid, iyo ehel intuba meel kasta oo ay joogaan, waxaana uga tacsiyeynayaa ehelka ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaana u rajeynayaa in eebe uu ka waraabiyo janatul Fardowsa” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha  Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay falkaasi lagu dilay 13 ruux oo dad shacab ah xoogsata ahaa, waxaana uu ugu baaqay Dowladda Goboleedka Galmudug in baaritaan dhab ah ay ku sameeyso Falkaasi islamarkaana dadkii ka dambeeyay, cadaaladda la marsiiyo.

Dhanka kale, falkan dilka ah oo aad looga xumaaday ayaa maamulka Galmudug loogu baaqay iney baaritaan dhab ah ku sameeyaan cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip