Ra'iisul Wasaare ku xigeenka oo Shirweyne ka furay Istanbul

0
Saturday June 15, 2019 - 18:53:41 in Wararka by
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka oo Shirweyne ka furay Istanbul

    Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka dhacaya Magaalada Istaanbuul ee Dalka Turkiga. Shirkaan oo soconaya muddo Afar maalin ah ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka dhacaya Magaalada Istaanbuul ee Dalka Turkiga. Shirkaan oo soconaya muddo Afar maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa dib-u-heshiisiinta, ganacsiga iyo arrimaha degaanka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo caqabadaha jira iyo fursadaha laga faa'iidaysan karo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in qurba joogtu ay Laba jibbaaraan dowrka ay ku leeyihiin dib-u-dhiska Dalka, ganacsiga iyo horumarinta degaanka.

Shirka qurba joogta Soomaaliyeed oo ay maal gelisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud  ayaa waxaa ka qeyb gelaya mawaaddiniin Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafacaha caalamka, waxaana la filayaa in laga soo saaro natiijo iyo talooyin kaabaya horumarinta mustaqbalka ummaadda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip