Muxuu ka yiri Xasan Sheekh Maxamuud dadkii lagu laayay Gaalkacyo?

0
Saturday June 15, 2019 - 11:41:53 in Wararka by
  • Visits: 449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ka yiri Xasan Sheekh Maxamuud dadkii lagu laayay Gaalkacyo?

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareeyay dad Shacab ah oo xalay lagu laayay Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ka dib markii Koox degaanka ah ay ku eedeeyeen in ay dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u cambaareeyay dad Shacab ah oo xalay lagu laayay Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug ka dib markii Koox degaanka ah ay ku eedeeyeen in ay dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Galmudug. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay laamaha Amniga Galmudug in ay si deg deg ah baaritaano ugu sameyaan dadkaasi, islamarkaana Caddaaladda la horkeeno Cidii ka dambeysay dilka.

"Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba. Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeysoā€¯ ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud

Saraakiisha Ciidanka Galmudug ee Gaalkacyo ayaa Risaala u sheegay in dilka dadkaasi uu yimid ka dib markii Kooxo hubeysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad suggida Galmudug, islamarkaana dadka degaanka ay ceyradeen labo ka mid ah Kooxihi dilka geystay ka dibna gurigii ay galeen laga soo saaray 10 ruux ayna dileen 9 ka mid ah Koox degaanka ah oo ka careysan dilka Sarkaalka Nabad suggida ka tirsanaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip