Koonfur Galbeed oo ka hadashay 9 ruux oo lagu dilay Gaalkacyo

0
Saturday June 15, 2019 - 11:34:45 in Wararka by
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Galbeed oo ka hadashay 9 ruux oo lagu dilay Gaalkacyo

    Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay 9 ruux oo xalay si wadajir ah lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ka dib markii Maleeshiyo degaanka ah ay ku eedeeyeen in ay dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka NISA ee Galmudug. Ugaas Xasan Wasiirka warfaafinta ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay 9 ruux oo xalay si wadajir ah lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ka dib markii Maleeshiyo degaanka ah ay ku eedeeyeen in ay dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka NISA ee Galmudug. Ugaas Xasan Wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed ayaa warbaahina qaar u sheegay dadkaasi ay kasoo jeeddaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay inay baaritaanno wadaan, islamarkaana saacaddaha soo socda ay warbaahinta la hadi doonaan.

Ugaas Xasan ayaa xusay inay jiraan dad badan oo Koonfur Galbeed u dhashay kuwaasoo cabsi awgeed xalay ku hoyan waayay guryahooda ku yaal Gaalkacyo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu maamulka Galmudug beeniyay inuu soo saaray amar la sheegay in deegaannadiisa uu uga mamnuucayo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip