Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalalka Shiinaha,

0
Friday June 14, 2019 - 23:29:27 in Wararka by
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalalka Shiinaha,

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa intii ay maqnaayeen safaro ku tegey dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa intii ay maqnaayeen safaro ku tegey dalalka Shiinaha, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa guulo waaweyn kasoo gaaray safarkiisa muddadii uu ku maqnaa, wuxuuna heshiisyo kala duwan la soo galay dalalkaasi iyo shirkado caalami ah oo u diyaarsan maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.


"Waxaan aad iyo aad idiinka mahadcelinayaa soodhawayntii diiranayd ee aad igu soodhawayseen, waxaan sidoo kale Alle uga mahadcelinayaa raxmaddiisa iyo nabadgelyada uu nagu manaystay, safar dheer oo China, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaan isku soo maray, waxyaabo badan oo aan filayo in ay horumarka dalka ka qeyb-qaadan doonto ayaan kasoo wada-hadalnay Warbixin balaaran ayaan la wadaagi doonaa dowladda iyo shacabkaba.. Waxaan filayaa in Ethopian Airlines Puntland ka bilaabi doonto duulimaadyo joogto ah, meelaha ciladuhu ka haysteen dalka waxaa ka mid ahaa isu socodka cirka, badda iyo dhulkaba, waad aragtan oo 40 sano ka dib wuu sii burburayaa laamigii, waxyaabaha aan xoogga saarayno ka xukuumad ahaan waxaa ka mid ah in adduunku noo furnaado, anaguna aan u furnaano." ayuu yir madaxweynaha Puntland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip