Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda oo kulan yeeshay

0
Thursday June 13, 2019 - 20:31:27 in Wararka by
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda oo kulan yeeshay

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shir guddoomiyay kulankii Labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da Luulyo. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shir guddoomiyay kulankii Labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da Luulyo. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha' Khadiija Maxamed Diiriye, taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida, xubno ka socday Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, maamulka Gobolka Banadir iyo Abwaanno.

Shirka ayaa lagu lafa guray, sidii loo diyaarin lahaa goobaha ku habboon ee lagu qaban doono xuska iyo xafladahaha dabaaldegyada, adkeynta amniga iyo diyaarinta Suugaanta xoriyadda, in la diyaariyo goobo wacyi galineed oo dadka lagu xasuusiyo waddaniyadda iyo halgenkii loo soo maray madaxbannaanida.

26-kii June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Ciiddeena, ayaa waxa ay gobollada waqooyi badax bannaanidooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, waxaana Shan Cisho ka dib 1-dii July gobanimada ka qaatay Isticmaarkii Talyaaniga gobollada Koofureed ee dalka, iyagoo isla xilligaana ku midoobay Jamhuuriayadda Soomaaliya.

Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ee maanta yeeshay kulankoodii Labaad, ayaa waxaa 9-kii Bishan magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Kheyre, si ay u abaabulaan xuska maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip