SAWIRO:-Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis Cusub

0
Thursday June 13, 2019 - 20:19:53 in Wararka by
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis Cusub

    Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa munaasabad uu goobjoog ka ahaa Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya o oMuqdisho lagu qabtay waxa ay manta siwadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa munaasabad uu goobjoog ka ahaa Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya o oMuqdisho lagu qabtay waxa ay manta siwadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska siwadajir ah u saxiixay.

Mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qaybka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heerfederaal iyo heer dowlad gobaleed.

Mashruuca ayaa dib u  dhis loogu sameynayaa, loo guna dayac tirayaa 355 kilo mitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka. Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantuhayso.

”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan eeY uuro ah ee dib u dhiska waddooyinka waxa ay siixoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuurooo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.”Ayuuyiri Wasiir Jamal Maxamed Xasan.

Inti i lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaayiri,"Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay siwadajir ah ugu faraxsan yihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed.

Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’

Faahfaahin Kooban

Mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suurageliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo,lana dhiirrigeliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska.

Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub,12.31 Milyan oo ka timid sanaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya,1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip