SAWIRO:-Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay Arrimaha Socdaalka

0
Thursday June 13, 2019 - 20:08:59 in Wararka by
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Soomaaliya iyo Norway oo ka wada hadlay Arrimaha Socdaalka

    Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi oo ay wehlinayaan ku Xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullahi Xaaji Bashiir, lataliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hay'adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee HSJ Col. Maxamed Aadam Jimcaale Koofi oo ay wehlinayaan ku Xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullahi Xaaji Bashiir, lataliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hay'adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey Hay'adda Socdaalka Dalka Norway.

Agaasimaha Guud iyo Wefdigiisa oo ka qeyb galayey kulamo sanadle ah oo ay yeeshaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Norway ayaa sidoo kale kulamo la qaatey madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arimaha dibadda Norway iyo sidoo kale saraakiisha booliiska Dalkaasi.

Kulamadaan ayaa looga hadley xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca Socdaalka, iyada oo sidoo kale Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa ay booqdeen Garoonka caalamiga ah ee Oslo soona arkeen hab-maamulka socdaalka garoonka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip