Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo War ka soo saartay xaalada magaalada Beledweyne

0
Wednesday June 12, 2019 - 11:51:55 in Wararka by
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo War ka soo saartay xaalada magaalada Beledweyne

    Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay iska horimaad shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kaas oo uu ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ka soo saartay iska horimaad shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan,kaas oo uu ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka xun tahay dagaalkii ka dhacay duleedka Beledweyne isaga oo ka tacsiyadeeyay dilkii Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan.

 

Waxa uu sheegay Wasiir kuxigeenka in Dowladda Soomaaliya ay Guddi u ,magacaabeyso Shaqaaqadaas,isla markaana baaritaan dhab ah ku sameynaya wixii sababay dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr.

"Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa magacaabeysaa guddi ka warbixiya waxa keenay Shaqaaqadii ka dhacday duleedka Baladweyne iyo cidii arrintaasi ku lug laheyd,waxana rajeynayaa in guddigaas markii la magacaabo in si dhaqsi ah uu u Shaqa bilaabi doono ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga”.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga ee ka holwgalla deegaanada Hir-Shabeelle ayuu ugu baaqay inaysan ka qeyb gelin wax khalqal gelinaya amniga iyo wax dhibaato u keenaya Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip