Afar ruux oo lagu dilay deegaan u dhow Magalada Dhuusamareeb

0
Wednesday June 12, 2019 - 11:33:06 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar ruux oo lagu dilay deegaan u dhow Magalada Dhuusamareeb

    Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saqdii dhexe 4 Ruux lagu dilay deegaan Duleedka ka ah Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Wariyeyaal ku sugan Dhuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saqdii dhexe 4 Ruux lagu dilay deegaan Duleedka ka ah Magalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Deegaanka Dhiin-waris oo Dhanka Koonfur ka Xiga Magaalada Dhusamareeb lagu dilay Afarta Qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha Goob Shinada Malabka looga dhaliyo.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Afarta qof ee la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil wallow aysan jirin cid sirasmi ah warkaasi u xaqiijisay.

Meydka Afarta Ruux ayaa la sheegay in loo soo qaaday dhinaca Caasimadda dhuusamareeb, iyada oo Maamulka Galmudug uu wado baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay dilkaas iyo sababta ka dambeysa dilkooda.

Majirto cid sirasmi ah u sheegatay mas’uuliyada dilka Afarta Ruux ee Shacabka ahaa loogu geystay duleedka Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud,waxaana dhacdadaan Maanta siweyn looga hadal hayaa Magalada Dhuusamareeb.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip