Sawirro:-Guddoomiye Muudey Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

0
Tuesday June 11, 2019 - 11:21:29 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Guddoomiye Muudey Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

    Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa dib ugu soo laabtay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Turkiga. Guddoomiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa dib ugu soo laabtay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo maalmihii la soo dhaafay ku maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Turkiga. Guddoomiye Muudey ayaa markii soo gaaray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

 
Intaasi ka dib ayuu Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo si kooban warbaahinta ula hadlay waxaana uu ka mahadceliyay soo dhaweeynta ballaaran ee Maanta loo soo dhaweeyay,isla markaana waxa uu ka warbixiyay socdaalkii uu ku joogay dalka Turkiga.

Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Turkiga aaday,kadib markii uu soo xiray Fadhigii ugu dambeeyay Golaha Shacabka,kaasi oo Xildhibaanada Golaha Shacabka Fasax ay ugu galeen 10-kii dambo ee Bishii Ramadaan iyo maalmihii la soo dhaafay ee Ciidul Fitriga.

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip