SAWIRO:-Taliska Ciidanka xoogga oo soo Bandhigay Saraakiil ka tirsanaa…

0
Monday June 10, 2019 - 21:13:09 in Wararka by
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Taliska Ciidanka xoogga oo soo Bandhigay Saraakiil ka tirsanaa…

    Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa Maanta waxaa ay soo bandhigeen laba Sarkaal oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse isku-soo dhiibay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiishaan ayaa la sheeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa Maanta waxaa ay soo bandhigeen laba Sarkaal oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse isku-soo dhiibay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiishaan ayaa la sheegay inay ka howlgallayeen deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka,waxaana lagu soo bandhigay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliska Guutada 10aad ee  qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa SaraakiIsha isa-soo dhiibay  Magacyadooda ku kala sheegeen  Mustaf Ibraahim Isaaq oo Shabaab u qaabilsanaa qeybta Sirdoonka & Maxamed Xasan Madhaaleey oo Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta Xabsiyada Al-Shabaab ee qeybta  Gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Ururka  49aad  Guutada 10aad ee qeybta 43aad ee Ciidamada xoogga dalka  Dhame Cali Maxamed Xasan ayaa sheegay in howlgalladii ay maalamahaan ka wadeen deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka ay sababeen in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay i sa -oo dhiibaan.

Waxa uu ugu baaqay dhalinyarada weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan baaqii cafinta ahaa ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isla markaana cid kasta ay soo dhaweynayaan.

      




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip